Maddaxweynaha Dalka Mareykanka oo La Dhigay Isbitaal

0
125

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la dhigay isbitalka Walter Reed National Military Medical Center, oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee ku dhow Washington, halkaasi oo uu dhowr maalmood ku sugnaan doono.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Trump uu ku sugan yahay xaalad dhiiranaan ah, islamarkaana uu leeyahay astaamo aan xooganeyn oo ka mid ah kuwa cudurka Coronavirus.

Ilo-wareed ku dhow madaxweynaha ayaa sheegay in tan iyo subaxnimadii Jimcaha lagu arkay qandho iyo qufac kooban, ayada oo qandhada ay tahay mid darran. Waxaa sidoo kale la sheegay inuu daal dareemayo.

Trump ayaa muddo bilooyin ah diidanaa inuu xirto maaskaro, isaga oo habeenkii Talaadada ee uu doodda la yeeshay Joe Biden, si aad ah ugu jees jeesay inuu xirnaa maaskaro.