Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta 27aad oo Maanta La Hor Keenay Dembiilayaal

0
199

Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa Maanta u fariisatay wajiga 1 aad ee dacwad loo heystay laba eedeysano oo mid kamid ah uu yahay shacab halka kan kalane uu ka tirsan yahay Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed.

Labada eedeysane oo kala ah Dable xooga Cabdi Cabdule jaliil iyo Shacab Ibraahim Maxamud ayaa loo heystaa lunsasho dhuunta qoriga dhashiikaha ee ay ku howl gali jireen Ururka 40aad Guudada 5 aad qeybta 27 aad ee Ciidanka xooga dalka.

Dhageysiga Fadhiga maxkamada waxaa daahfuray gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad, Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan, kuxigeenka xeer ilaaaliyaha guud ee maxkamada Ciidamada iyo qareenkii dhifaacaya ayaa dhankooda inta ay dacwada socotay dood dheer dhax martay.

Xeer ilaaliye kuxigeenka maxkamada Ciidamada qalabka sida gaashaanle Maxamed Cabduqaadir maxamed ayaa garsoorka ka hor cadeeyay in eedeysanayaashani ay isku dayeen inay lunsadaan hantida Ciidanka xooga dalka,iaga oo garsoorka ka codsaday in la marsiiyo ciqaab u qalanta.