Dhegeyso: Xisbiyo Maanta Isbaheysi Ku Sameystey Magalada Muqdisho

0
53

Maalmihii la soo dhaafay waxaa kulamo siyaasadeed Magalada Muqdisho ku lahaa Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee kajira dalka oo ay kamid yihiin Xisbiyada ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud,waxaana kulankii ugu dambeeyay ee Maanta looga dhawaaqay Isbaheysi ay ku midoobeen.

Xibsiyada Maanta Isbaheysiga ku midoobay ayaa waxaa ay kala yihiin Xisbiga Sheekh Shariif ee Himilo Qaran, Xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD, Xisbiga Wadajir, Xisbiga Ilays iyo kuwa kale, waxana ay ku midoobeen Madasha Xisbiyada Qaran.