Maareeyaha Hay’ada Duulista oo Beeniyey In Xayiraad La Saaray Diyaaradihii Tegi Jirey Kismaanyo

0
45

Hay’ada duulista hawada Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamtay warar maalmahaan soo baxayay oo sheegayay in ay Hay’Adda mudo Saddex Cisho ah ay joojisay duulimaadyada Magalada Kismaayo.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin warqad rasmi ah oo lagu joojiyay duulimaayada aada Magaalada Kismaayo oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in kaliya Shirkadaha Diyaaradaha la faray in duulimaadkooda Kismaayo ay Hay’adda kusoo wargeliyaan 24 Saacadood ka hor, isla markaana Sharcigaas uu yahay mid Aduunka oo dhan looga dhaqmo.