Daawo Fatahaada Ka Jirta Kenya iyo Qaramada Midoobey oo ka digtey in Kenya Ay Ka Dilaacaan Cuduro

0
26

Qaramada midoobey ayaa ka digey in cuduro ba,an ay ka dilaacaan fatahaada ka jirta dalka kenya ayadoo hey’adaha gargaarka ay dhib badan u marayaan sidii ay gurmad ugu fidin lahaayeen kumanan ruux oo u baahan meel ay ka galaan roobabka lixaada leh ee halkaas ka da,ay.

In ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay, 250.000 waxaa qasab ku noqotey iney ka barakacaan guryahooda kadib kolkii uu roob lexaad leh uu halkaasi ka da,ayey ilaa bishii march roobkaasi oo intiisa badan ku da,ay Webiga Tana, Kilifi iyo deegaanada Mandera.

Afhayeenka u qaabilsan hey’ada qaramada midoobey dhinaca xaalada biniaadanimo ayaa warbaahinta u sheegey isaga oo ku sugan magalada geneve in halkaasi ay ka taagan tahay xaalad bini,aadnimo oo aad u adag kolka laga reebo barakaca, Waxaa kaloo uu intaasi ku daray in halkaasi ay ka dilaaceen cudurka shubun biyoodka, Cudurka kaneecada iyo cudur kale oo isna ka dhasha kaneecada oo lagu magacaabo chikungunya,

SOURCE: AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES