Amisom oo ka Hadashey Dilkii Ay u Geysteen Askari Ka Tirsanaa Ciidanka Nabadsugida

0
53

Taliska ciidamada AMISOM ayaa War ka soo saaray dilkii habeen hore ay magaalada Muqdisho ugu geystay Askari ka tirsanaa ciidamada hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya oo ku sugnaa Bar kontorool.

Gen Paul Lokech oo ah Taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegay in falka dilka ah uu dhacay markii loo diiday in maraan wadada, islamarkaana ay waceen taliyeyaasha Hay’adda Nabad suggida ee halkaasi heystay.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in israsaaseyn dhex martay labada ciidan ay ku dhaawacmeen dad Shacab ah.

Laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka weli kama aanay hadlin falkan ku gardarooshada ah ee ay geysteen Ciidamada AMISOM, sida la ogson yahay AMISOM waa u caado iyo dhaqan in ay dil bareer ah u geystaan dadka shacabka ah.