Munaasabad Lagu Wacyigelinaayo Ciidanka Boliska Oo Maanta Lagu Qabtey Xarunta Generaal Kaahiye

0
62

Munaasabad lagu wacyi-gelinayay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo ku aadan isticmaalka muqaadaraadka iyo sidii ay hab dhaqanka bulshada u wanaajin lahaayeen ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Guddiga Qaran ee taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya,waxaana inta badan diirada lagu saaray munaasabadda sidii Ciidamada Qalabka sida looga wacyigelin lahaa Muqaadaraadka iyo iney si wanaagsan ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed ee ay u shaqeynayaan.

Ugu horeyn ayaa munaasabadda waxaa ka hadlay General C/rashiid Aadan Xirse Taliyaha akadeemiyada dugsiga tababarka Ciidan Booliska ee General kaahiye oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka booliska ay u diyaarsanyihiin nidaamka hab dhaqanka bulshada iyo ciidanka booliska.

Sheekh nuur Baaruud Gurxan oo xubin ka ah Gudiga taakuleynta Ciidanka qalabka sida iyo Jeneral Axmed Jaamac Gudoomiyaha Gudiga taakuleynta iyo wacyigalinta oo munaasabada so xiray ayaa ayaa Ciidamada Qalabka sida ku ku dhiira geliyay iney ka fogaadaan waxyaabaha dhibaatada ku ah maankooda,islamarkaana si feejigan ula socdaan bulshada.