Dowlada oo soo Bandhigtey Sawirada iyo Magacyada Qaar ka Mid Ah Dadkii Ka Dambeeyey Kharaxii Isgoyska Zoobe

0
33

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bil kadib soo bandhigtay baaritaan horu dhac ah oo ku saabsan shaqsiyaadka loo qabtay Qaraxii ka dhacay 14-kii bishii October Isgoyska Zoobe.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa bartiisa Facebook ku soo bandhigay magacyada shan ruux iyo sawiradooda, kuwaasoo loo heysto inay ku lug lahaayeen qaraxii Isgoyska Zoobe.

Sidoo kale waxaa magacyada iyo sawirada la soo bandhigay ku jira ninkii fuliyay qaraxii gaariga TM ee isku qarxiyay isgoyska Zoobe.

Shaqsiyaadka loo qabtay falkii Qaraxa 14ka October ayaa kala ah

1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –
2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa Qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub Amarka ka yimaado
3. Hassan Aden Isaaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14-ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.
4. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.
5. Abdullahi Abdi Warsame

Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji)