Daawo Reysulwasaare Kheyre oo Runta U Sheegey Kooxda Qaranimo Diidka

0
154

Reysulwasaaraha xukuumada federaalka somaliya Xasan Cali Kheyre oo caawa ka hadlyay munaasabad lagu xusayay maalinta Calanka Soomaaliyeed oo lagu qabtay garoonka kubadda koleyga Muqdisho ayaa sheegay inaysan dhici doonin inay noqdaan madax markii is qabqabsi yimaado albaabada soo xirta oo khalkhal la geliyo.

Wuxuuna si dadban ula hadlay madaxda maamul goboleedyada ee maanta war-murtiyeedka kasoo saaray magaalada Kismaayo isagoo yiri: “Waxaan codsanayaa inaan dib ugu noqon qabiil iyo qabyaalad dib ugu noqon, cidna laga ogolaan dhaliil ujeedo gaara laga leeyahay waxaan leeyahay Soomaaliya hore ayay u socotaa ee gadaal u noqon meyso..” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.