Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka Somaliya oo La Kulmey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

0
33

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada New York Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres.

Labada mas’uuul ayaa ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya, howlaha UN-ka uu ka wado iyo sidii loo xoojin lahaa.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay wada shaqeynta hey’adaha Qaramada Midoobey iyo Hey’addaha dowladda Federaalka.

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ammaanay horumaradii kala duwanaa ee ay sameysay dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dalka horumaro la taaban karo ka jiro, isagoo soo hadal qaaday caqabado dowladda ka heysa dhinacyada siyaasada iyo arrimaha bani’aadanimada.