Xildhibaanada Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Kalsoonida Siiyey Reysulwasaraha Cusub

0
29

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cod akhlabiyad ah ku ogolaaday ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, oo maanta hortagay fadhigii baarlamaanka.

Fadhiga oo ay maanta sooo xaadireen 231 Xildhibaan ayaa lagu waramayaa in ay codka kalsoonida siiyeen 229 xildhibaan halka labo mudane ay ka aamuseen.

Codka oo ahaa mid gacan tag ah ayaa xildhibaanada waxay isku raaceen in la siiyo ra’iisal wasaaraha kalsooni uu ku soo dhiso xukuumad cusub.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka mahad celiyay ansixinta iyo codka kalsoonida ay siiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo xusay in maanta ay tahay maalin taariikh ah, isla markaana u furmay bog cusub umadda Soomaaliya.