Gaari Maanta ku Qarxay Wadada Dheer ee Exkontrool Degmada Afgooye

0
25

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaariga lagu raad joogay kadib markii saddex askari uu ku dhaawacay degmada Boondheere, hasse ahaatee markii danbe la ogaaday in kooxihii watay gaariga uga tageen Ex Koontarool Afgooye halkaa oo uu ku qarxay.

Afhayeenka ma uusan sheegin faah faahin intaa dhaafsiisan, hasse ahaatee qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya qaraxyo is daba joog ah oo waayadii ugu danbeeyayba ka dhacay qeybo ka magalada muqdisho.

Ma jirto ilaa iyo had acid sheegatay mas’uuliyada qaraxa, hasse ahaatee inta badan qaraxyada iyo weerarada noocan ah ayaa waxaa inta badan sheegta Al-shabaab.