Xarunta Wasaarada Maaliyada iyo Baarlamaanka Maamulka Puntland oo ay La Wareegeen Ciidamo HUbeysan

0
34

Warar kol dhaweyd aan ka helney magalada garoowe ayaa sheegaya in Ciidamo hubeysan ay la awareegeen Xarunta Wasaarada Maaliyada iyo Xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo aad u hubeysan oo wata gaadiid dagaal waxaana ay gebi ahaan gacanta ku dhigeen Labadaasi xarun ee kala ah Xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Wasaarada Maaliyada.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in Ciidamada ay ka yimaadeen Dhinaca Magaalada Gaalkacyo ilaa haddana lama oga sababta ka dambeysa in ay la wareegaan Xarumahaasi.

Si kastaba arintu ha ahaatee tan iyo intii la doortey madaxweynaha cusub ayaa waxaa sii xoogeysanaya dhibaatooyinka ay la kulmayaan maamul goboleedyada