Agasimaha Tv Star ee Magalada hargeysa oo Maanta Asna Xabsiga Loo Taxaabey

0
31

Ciidamada Ammaanka maamulka Somaliland ayaa xalay Xabsiga dhigay Agaasimaha Tv-ga Madaxa banaan Startv oo Fadhigiiso yahay Magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Agaasimaha la xiray ayaa lagu Magacaabaa Maxamed Baashe Xaaji Xasan.

Agaasimaha Tv-ga ayaa lagu eedeeyay in uu Abaabulay kulan Sharci daro ah oo aysan ogeyn maamulka Somaliland. waxa kale oo ay wararku ku darayaan in Agaasimaha uu si weyn uga hadlay arinta ku aadan Saldhiga dowladda Imaaraadka carabta ay ka furanayso Magaalada Berbera ee Somaliland.

Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay xiraysay Wariyeyaasha ka howlgala degaanadeeda , waxaana ay ku amartay Wariyeyaasha in aysan warbixin lafa gurid ah aysan ka sameyn karin Saldhiga dowladda Imaaraadka Carabta.