Dhegayso Nabad-doon Caawac ahaa oo Xaley lagu dilay Buur-Karoole

0
212

Wararka ka imaanaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa ku waramaya in Xaley magaalada Dil bareer ah loogu geystay Alla ha u naxariistee Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim oo kamid ahaa nabadoonadii beesha Tuni ee magaalada Baydhabo kusoo dhisay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Fedraalka ah ee Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Haweenka dowlada fedraalka Soomaaliya AVV.Muumino Sheekh Cumar oo Nabadooka adeerkeeda ahaa ayaa sheegtay in ay dileen Nabadoonka Koox ku hubaysnaa Bustoolado gudaha gurigiisa oo ku yaal xaafada Buur-Karoole Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Ragan dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday ka hor inta ayan halkaasi soo gaarin Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Degmadaasi Xamar Jajab.

Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim ayaa waxaa lagu dabiibayay gurigiisa kadib dhaawac uu kasoo gaaray qaraxii Hotel Dayax ilaa iyo haatan ma jirto cid loo qabtay amaba sheegatay dilka Nabadoonka iyadoo Todobaadadii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ku soo badanayeen dilalka ka dhanka ah Odayaasha dhaqanka Beelaha ee ka qayb galay doorashooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kala dhacay caasimadaha maamul goboleedyada dalka .

Dhanka kale Afhayeenka Shabaab Cali Dheere ayaa ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono Odayaasha dhaqanka ee ka qayb qaatay doorashooyinkii loo galay labad gole ee dalka oo ka kala dhacay caasimadaha maamul goboleedyada dalka.

Halkan ka dhegayso Hadalka wasiir ku xigeenka Haweenka AVV.Muumino Sheekh Cumar.

 

Halkan riix si aad u dhegaysato