Hogaamiyaha Ahlusunada Gobolada Dhexe oo Maanta Ka degey Magalada Muqdihso

0
18

Hogaamiyaha Ahlu Sunna ee gobollada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa goor dhaw oo maanta ah ka degay, waxaana lagu wadaa in uu ka qeybgalo caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Safarka Sheekh Shaakir ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku tago magaalada Muqdisho tan iyo markii loo caleemo saaray in uu noqdo madaxweynaha maamulka gobollada dhexe oo siweyn uga soo horjeeda maamulka Galmudug ee fadhigoodu yahay degmada Cadaado.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa horay u soo dhaweeyay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo sheegay in ay la shaqeyn doonaan.

Arintan ayaa siweyn looga soo dhaweeayay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guri-ceel oo ka mid ah deegaannada uu ka arimiyo maamulka Ahlu Sunna ee gobollada dhexe.