Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe oo Dib u Fasaxey Radio Galgaduud

0
70

Maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Wajameeca ayaa dib u fasaxay oo xayiraadii saarneyd ka qaaday Radio Galguduud oo ka mid ah idaacadaha loogu dhageysiga badan yahay gobollada dhexe.

Dib u howlgalinta Idaacadan ayaa timid kadib wada hadal dhaxmaray mas’uuliyiinta sare ee maamulka Ahlu Sunna iyo maamulka Radio Galguduud oo wada hadal dheer kaddib isku afgartay in xayiraadii saarneyd laga qaado Idaacada.

Agaasime ku-xigeenka Idaacada C/qaadir Guure Barre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan talaabada maamulka uu ku fasaxay howlihii Radio Galguduud, islamarkaana diyaar u yihiin fulinta qodobadii lagu hishiiyay.

Sidoo kale madaxa warfaafinta maamulka Ahlu Sunna Muxiyidiin Cali Jimcaale Jakuula ayaa sheegay in ka maamul ahaa diyaar u yihiin ay is dhaw ula shaqeeyaan guud ahaan warbaahinta ka howlgasha gobollada dhexe Soomaaliya.