Beelaha Hiraab oo Shariif Sakiin Ku Casuumey Magalada London ee Dalka Ingiriiska

1
26

Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka kala helney ilo kala gedisan oo kala jooga London, Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa ay ku waramayaan in 22 bishan aynu ku jiro oo ku beegan maalinta Axada ee fooda inagu soo heysa uu madaxweynaha maamulka gacan ku rimiska ee baydhabo uu tegi doono malagada london ee dalka ingiriiska kadib kolkuu casuumaad ka heley ganacsato iyo siyaasiyiin qurbo joog ah oo kasoo jeeda beelaha hiraab.

Sida aynu wararka ku heleyno kulamadaas ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Ing Munye Saciid oo ka mid ah shaqsiyaadkii horey u dhacay shirkadii SHIFCO haatana wiilkiisa sharkad mac mal ah oo lagu magacaabo Rightway Enterprises FZC uu Shariif Xasan qandaraas ku siiyey kaluumeysiga degmada baraawe ayadoo sidoo kalana sharkadan ku dul lifaaqan tahay shirkad shiine laga leeyahay oo maamumulka Shariif Xasan hishiis kula galay in ay xaalufiso malayga ku jira qeybta badweynta hindiya ee dhaca degmooyinka Baraawe iyo Marka ee gobolka shabeelaha hoose.

Sidoo kale ayaa wararka wararka waxaa ay intaas ku darayaan in kulanka uu la yeelan doono Shariif Xasan beelaha hiraab xooga lagu saari doono sidii loo caburin lahaa dhaqdhaqaaqyada haatan ka jira gobolka shabelaha hoose ayadoo loo maraayo maamulka Shariif Sakiin taa bedelkeeda ayaa Shariif Xasan waxaa uu qaadan doonaa lacago loogu yeerey gargaar maamulkiisa loogu kaalmeynaayo oo ay bixinayaan shaqsiyaadkaas kasoo jeeda beelaha hiraab.

Dhanka kale waxaa arimahan dusha kala socda waxgaradka kasoo jeeda gobolka shabeelaha hoose oo ku sugan magalada londan ayagoo dhankoodana xusul duub ugu jira sidii ay u fashilin lahaayeen kulamadan lagu kala iibsanayo deegaanadooda ayagoo sidoo kalana ay marti ku yihiin.

Si kastoo loo dhigaba talaabadan uu Shariif Xasan ku tagayo magalada london ayaa waxaa ay qeyb ka tahay ka baac mushtar Shariif Xasan ugu jiro dhulka iyo dhiiga beelaha ku abtirsada digil iyo mirifle gaar ahaan kuwa dega gobolka shabeelaha hoose.

1 COMMENT

  1. Marka waa ku salaamey salaan kabacdi qofka aad leedahay waxbuu iibiyaa qofsidaasi unoqmo ma Shan s hariif karoonkiisa xiligaan loo joogo alma has to dacaaydana dadka ka daa waxkale soo qor dadka dadka and udamqsneyso maqlayaan

Comments are closed.