Duuliyihii Wadey Diyaarada Daalo Airline oo Ka HadleyAmini Xumada Ka Jirta Garoonka Adan Cade

0
25

thumbDuuliyihii diyaarada Daallo Airline ee qaraxa uu ka dhex dhacay Tallaadadii lasoo dhaafay ayaa ka hadlay qaraxa iyo amaanka garoonka diyaarada Muqdisho.

Qarax lala raacay diyaaradda Daallo ayaa ahaa labtop lagu xiray waxyaabaha qarxa, sida laga daawan karay muuqaal ay duubeen kaamirooyinka garoonka diyaaradaha oo laga dhex helay seddex ruux oo isku wareejinaya Labtop.

Qaraxa ayaana dhacay 15 daqiiqo kadib markii diyaarada iyo rakaabka saarnaa oo gaaraya 74 ruux ka duuleen garoonka aadan adde, waxayna hawada ku jireen 11,000 oo feet, oo udhiganta qiyaastii 4 KM oo hawada ah sida duuliyaha diyaarada uu sheegay.

Duuliyaha Diyaarada Daallo ayaa shaaciyay in haddii ay wax badan hawada iyaga oo ku jiro qaraxa dhici lahaa iney sababi laheyd waxyeelo badan oo diyaarada soo gaara, balse diyaarada ayuu sheegay iney heer hoose ku socotay.

Duuliyaha diyaarada ayaa wareysiga uu siiyay wakaalada wararka AP wuxuu ku eedeeyay qaraxa diyaarada inuu u dhacay amni la’aanta garoonka iyo agagaarka diyaaradaha Muqdisho yimaada.

Amaanka garoonka ayuu aad u dhaliilay wuxuuna sheegay in markii ay diyaarada soo dajiyeen ay gudaha u galeen ku dhawaad 20 ilaa 30 ruux oo uu sheegay ineysan bar garan karin.