Dhegeyso:- Ahlusuna Waljameeca oo Sheegtey In Laga Hormariyo Maamul u sameynta Gobolada Dhexe Hishiiskii Ay wada Galeen Ahlusuna iyo Dowlada

0
34

ahluUrurka Ahlu suna ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa sheegay in loo baahan yahay in maamul u sameynta gobolada dhexe laga hormariyo fulinta heshiisyadii dhexmaray Ahlu suna iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Gura-ceel ee gobolka Galgaduud.

Macalin Maxamuud Sheikh Xasan iyo C/siis Xaaji oo ka mid ah ururka Ahlu suna oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in marka loo baahan yahay in Dowlada Federaalka Soomaaliya dhisida maamulka gobolada dhexe ka hormariso fulinta heshiisyada horay ula gaareen ururka Ahlu suna.

Ahlusuna

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Ahlusuna mobil