Kenya oo Sheegtey Iney Wadahadalo La Geli Doono Alshabab

0
45

thumbHogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya iyo xisbiga Jubbalee Aadan Barre Ducaale oo boqolaal Kenyan ah kula hadlaye gudaha Kenya ayaa kahadlay xaalada wadanka Kenya iyo dagaalka kadhanka ah Al-shabab.

Du’aale ayaa sheegay in dowlada Kenya diyaar ay utahay in wadahadal ay lakalaan AL-shabab si ay ujoojiyaan weeraraada ay ka geystaan gudaha dalkasi, isagoo xusay in xitaa shibaabka hadii ay rabaan ay udirayaan Odayaal, siyaasiyiin wadahadal lagala oo ugu yimaado shabaabka meel-walba oo ay dalbadaan.

Xildhibaan aadan Ducaale ayaa ku celceiyay in diyaar ay uyihiin in wadahadal ay lagalaan Al-shabab wxuuuna Shabab-ka ugu baaqay in dhamaan faraha ay kala baxaan dalka Kenya.”Naga qaada faraha ,waan idinkugu imaaneynaa meel-walba oo aad joogtaan” ayuu sii yiri Du’aale.

Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ma’uusan cadeynin xiliga rasmiga ah ee ay wadahadlka lafuri doonaan Xarakada AL-shabab ,mana jiro dhanka Shabab war kasoo baxay oo ku saabsan in ay aqbalayaan codsigan dowlada Kenya kayimid.