Madaxweynaha Iyo Reysulwasaaraha oo Maanta Hambalyo Ku Adan 8da Maarso U Direy Ururka Haweenka Somaliyeed

0
28

xasanMadaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa hambalyo ku aadan 08-da Maarso oo ah maalinta caalamiga ah ee haweenka caalamka u diray haweeenka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Xasan Sheekh wuxuu intaas raaciyay. “Caalamka ma jiro waddan qura oo si dimuquraadi ah horumar ku gaaray iyadoo aysan haweenka kaalin buuxda ka qaadan qaybaha kala duwan ee adeegyada Qaranka. Madaxweyne ahaan, waxaa iga go’an xaqiijinta inaan meesha ka saarno caqabadaha ka hor imaan kara in xuquuqda haweenka laga doodo, si dhab ah wax looga qabto, lana ilaaliyo shuruucda ku saabsan hirgelinta xuquuqda dhameystiran ee haweenka.”

Xasan wuxuu intaas raaciyay hawlo badan ayaa ina horyaalla, kuwaasoo ay tahay inaan si wadajir ah u shaqeyno si wax loogu qabto haweenka Soomaaliyeed. Waa in meesha laga saara wax alaale wixii caqabad ku ah haweenka inay doorkooda ka cayaaraan bulshada dhexdeeda, in codkooda la maqlo ha noqoto bulshada oo dhan amaba si gaar ah. Iyadoo aanu wadno horumarinta hay’adaheena dowliga ah, waa inaan xaqiijinaa inaanay jirin wax caqabad ah oo ka hor-is-taagaya haweenka inay kaalin ku yeeshaan adeegyada bulshada ee kala duwan.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Sharma’arke ayaa isna sheegay in haweenku ay la kulmeen tacadiyo badan, ayna ahaayeen kuwa ugu jilicsan oo ay soo gaareen dhibaa-tooyinka dalka soo wajahay mudadii rubuc qarniga ahayd. Dhanka kalana ay horeed ka ahaayeen isku xirka bulshada xiliyadii ay dagaallada ka socdeen dalka, waxayna qaybna ka yihiin mar kasta nabadaynta iyo horumarka bulshada.