Reysulwasaraha Xukuumada Federalka Cumar Cabdirashiid oo Maanta Gaarey Dhuusamareeb

0
30

SharmarkeWafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa goor-dhow gaaray Dhuuso-mareeb oo ah xarunta gobolka Galguduud. Iyadoo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka difaaca Somalia.

Xubnaha safarkan ku wehliya RW Somalia ayaa waxaa ka mid ah labada gole ee dowladda Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo xubno kale, iyadoo la geeyay hoolka shirarka ee Dhuusa-mareeb, halkaasoo uu ka socdo shirka dib-u-heshiisiinta dadka dega gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Ra’iisul wasaare Sharma’arke iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay kulammo la yeeshaan mas’uuliyiinta iyo odoyaasha dhaqanka gobolka Galgaduud, si loo dadajiyo shirka dib-u-heshiisiinta ah ee degmadaas ka socda iyo in laga wada-shaqeeyo maamul u sameynta gobollada dhexe.

Guddoomiyaha gobolka Galguduud ee dowladda Somalia, Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa sheegay in socdaalka ra’iisul wasaaraha Somalia uu la xiriiro sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen shirka dib-u-heshiisiinta gobollada dhexe.