Intii Aad Dhimman Laheed Adigoo Aan Wax Sharaf Laheen Waxaa ka wanaagsan inaad dhimato Adigoo Sharaftaada Difaacayo. By: Cabdi Sheeq. Codka Shacabka Koonfur Galbeed

1
158

maqalWax yaabaha ka socdo deegaanada koonfur galbeed, gaar ahaan Digil iyo Mirfle, waxaa cadaaday in lagu noolyahay sharaf daro, cabsi, aamusaan, xaquuqda dadka Digil iyo Mirifle oo malinba maalinta ka dambeysa si cad loo dhacaayo. Waxaa kaloo ka sii daran, siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle oo ku jirata dowladda Federalka Somalia nooc kastaba oo ay yihiin, uu ugu horeeyo Prof. Mohamed Sheikh Hassan Jawaari in ay 100% noqdeen wax nolol iyo geeri meel aanan labadaba lagu tilmaami karin.

Waxaa cadaaday in ay noqdeen calooshooda keliya inay u nool yihiin, kuna nool yihiin cabsi,dareen la’aan, baahi aan dharaglaheen, iyo caga jugleen lagu hayo noloshooda, waxay u muuqdaan sidii dad la lagu haysto hotelada iyo xaafadaha Muqdishu. Siyasiyiintaasi Waxay noqdeen in aysan ka hadli karin, dhibaatooyinka faraha ka baxay oo ka jira dhulka koonfurgalbeed , gaar ahaan dadka Digil iyo Mirifle. Dhibaatooyinkaas waxaaa ka mid ah, dhac, dil, boob dhul iyo boob maamul. Waxa ay meesha u joogaan booska ayaa lugu buuxsanaa!

Dhammaan Siyaasiyiintaas hadda ku jira dowladda Federalka, waxaan dhihi karnaa waa dad guldaraysta, oo ummadooda u furay baal aad u madow,taariikhdaa ka galay baal madow. Sababtoo ah, waxay ka dhigeen ummadda Digil iyo Mirfle dad aanan wax dooran karin, is doora karin, wax diidi kari, hadalkoooda melena aanan laga qiimeynin aduunyada, waxii loo dooraa diidi karin! Waxey ku dhow yihiin Digil iyo Mirifle in Khariidada Somaliya laga saaro.

Aqoonyahanada yare e wax garadka ahna, waxay noqdeen iyagana mindi af beeshay, oo hadalkooda waxaa uu dhaafi waayey inay email isu dir diraan oo iyaga keliya isku mashquuliyaan. Iyaga keliay is mahdiya, oo xataa anan wax qabin Karin. Codkooda maxaa looga maqli waayey idaacadaha, TV yada, Wargeysyada iyo warbaahinta caalamka. Waxaan dhihi karaa waxaa ka qaldan habka qadiyada loogu dagaalamo Qalinka,Qoraalka, iyo Qubanaha TV yada. Waxaan u mahadnaqayaa Ninka layiraadho Dr. Yaanyuurow, oo noqday qofka keliya oo kudhiirada oo qadiyada difaaca, isagana maalmahaan lama arag. Waayo, qof kasto oo DM u soo baxo, ma helo, dhiirigelin, ixtiraan iyo soo dhaweyn marka aan la kulano. Waxaa keliya oo qofka aan ku qiimena waa ma iila dhashay, isku gobol ma ka nimid, qabiilkeeyga ma ka soo jeedaa, iyo waxyaabo kale oo raqiiis ah.

Waxaase ka sii daran qaar ka mid ah aqoonyahada Shariif Hassan ayey taageereen oo ay moodeen in uu jago uu siin doono, nasii daro dad kale oo aanan dhulkaba wax ku laheen ayuu ka doortay! Nin abeeso koriooow asaga u aayayo. Shariif Hassan ayey akhrin waayeen nooca uu yahay! Hadiii baniaadam Sharif Hassan ka soo xaro, shan idaaleeey oo aan leeyahay galabtoo kuma aamineen!

Waxaa caddaday in aysanjirin dowllad dhexe oo daacad ah oo difaacda xuriyadda shaqsiga, xataa AMISOM, UNSOM, AU, EU, iyo UN cid codkaada dhageysaneyso ama qiimeyneyso ma jjirto. Waad aragteen in Madaxweyne Madoobe Nuunow Mohamed oo aan dooranay si daacad ah oo cadaaladda ku dhisan waan difaaci weynay maamukiisa, sababtoo ah ma jiraan ciidan difaaco ama bulsho diyaar u ah inay difaacdo maamulka Madoobe Nuunow. UNSOM iyo AMISOM waxaa uu ka doorbideen Shariif Hassan oo 100% aan heysanin kalsoonida shacabka Koonfur galbeed, laakiin ku xiran mooryaanta hubeysan oo xoog ku qabsatay Shabeelaha Hoose kuwaas oo xoog ku heysta Marka Cadeey ilaa iyo dhul farabadan oo ay leehihiin Digil, mirifle iyo Biyomaal.

Dhul hadii aad leedahay, waxaa uu u baahan yahay difaac, iyo dhalinyaro diyaar u ah inay ilaaliyaan dhulkaas oo habeen iyo maalin soo jeeda. Dhul intaa le’eg ayaan sheeganaa ciidana ma ogalaanaayo inaan yeesho, wax iskeenayo ma ahan.

Si arimahaas loo difaaco, Waxaaa muhiim ah in la helaa Urur hubeysan oo difaaca danaha dadka Koonfur galbeed. Waxaan aragnaa in lagu xadgubay codka iyo rabitaanka shacabka, Somalida waxay ku maahmaahdaaa, ”Nabad la tuugay nabad ma ahan”. Waxaa cadaaday Somaliya hadii uusan gurigaaga yalin qori ama aadan hubeysneen cid kaa gabaneyso ama kaa heybeesaneyso ma jirto.

Hadii aanan Shabeelaha Hoose dhulmiga laga xureynin, wax aad sugeysaan ma jirto. Ha dhageysanina beenta UNSOM iyo dowladda ku sheega ee uu hogaamiyo Hassan Sheikh, codbxin baa la qaadayaa sadanka 2016, xisbiyo baa la dooranaa, xagee cod lagu qaadayaa, qof qori lagu hayo miyaa cod dhiiban karo, qof aan xur aheen miyaa wax dooran karo, waa been iyo been labo jibaaran. Waa shimbiryahow heesa hees wanaagsan heesa. Caruurta todobo jirka xataa waxaas ma dhageysan karaan, waa been iyo riwaad loo dhigaayo kuwa caqligooda yar yahay.

Hadii aadan ogolaanin adiga, aniga, anaga oo dhan, waxaan la hadlaayo waa Digil iyo Mirifle, iyo Biyomaal oo dhukeena aan difaacanin, aanan ogolaanin dhimasho, hanti aanan bixinin,waxaad dhiman doontaa adiga oo gurigaaga jiifo, xaaskaaga walaashaada iyo gabdhahaaga hortaada lagu kufsado, sidii horeba u dhacday. Intii adiga oo jiifo lagu dili lahaa, lagu dhici lahaa, xaqaada la qaadan lahaa, waa dayuusnimo, waa diin xumo, dhimo adigoo soo jeedo, adigoo hadalayo dhimo, adiga xayi sharaf leh dhimo.

Dadnimo ha la isgeliyo, waxbarasho iyo horumar aanan la difaaci karin, waxaa karoon in aad noqoto ciidan oo sharaf ku noolow, wiil, gabar, dhalinyaro, oday, macallin, siyaasi, dhaqtar, aqoonyahan, kuligeena waa in aan dib u qaadanaa qoriga. Qoriga ayaa sharaftaada keeni karo, hadal iyo waxa la dhaho Dimuqradiyadd ha sugina, waa been. Reer Galbeedka Dimuqradiyadda xoog ayaa lagu difaacay, ciidan ayaana difaaca, ee yaa la idinka sheekeenin,beenta AMSIOM iyo UNSOM.

Waxaa heshiis iyo nabada ay imaan kartaa, marka quwadda kaa soo horjeeda aad isku quwad tihiin ama aad awoodada dhaawici karto kan dhuliga wada ilaa xad 40%. Kan Somali sheeganaayo, masaajidka kaaga horeeyo, xajka kaaga horeeyo, culumdooda ay meeel kasto joogaan, hadana ka soo duulay gobolada dhexe in ka badan 800 Km, oo dhimasho ogolaaday, adiga oo gurigaaga joooga maxaa kuu diiday inaad dhimato, waxaa xaqiiqo ah, in Alla uu ku cadaabi doono maalinta qiyaamo haddaadan difaacin sharaftaada,gurigaaga, qoskaaga, beertaada iyo dadkaaga oo aad u dhimato sida xayawaanka la dhaqdo, oo aan noqonay dad xero ku jiro oo qofkii la rabo lala soo baxo maalin kastana la dilo, cid ka hadashana aanan jirin!

Markii dadnimo laguu aqoonsado ayaa Somalida kale iyo aduunkaba ay codkaaga dhageysanyaan. Fiiri warbaahinta sida BBC, VOA, xitaa kii dowladd ku sheega Somalia SNTV lagama sheego codkaga, waa maxay sababta, waayo ma hubeysnid mana is difaaci kartid waa jawabta keliay aan hayo. Tan kale ee xanuunka badan waxay tahay.,fadlan siyaasiyiinta baarlakaamka ku jira, fadlan, fadaln, xaaraaan ayaad ku cunaysaan Muqdishu, waxaad ka hadli weyseen dilkii ka ugu dambeeyey ee ka dhacay labo maallin ka hor, Awdheegle, waan ognahay in Suldaanada iyo siyaasiiita beesha Bagadi ay kow iyo labo ka noqeen dhibaataan Shariif Hassan wato. Kuwaas waa in laga tashadaa halgankana si dhaqso loo bilaabaan reer Awdheegle.

Hadii Eithiopia, Kenya, AMISOM iyo UNSOM iyo British Goverment ay naga hiiliyeen, waa in aad isku deynaa, xataa aan xiriir la yeelanaa urur kasto ama dowladd kasto oo kuwaas aan kor sheegay ka soo horjeeda, waayo wax kale oo noo haray oo aan sugeyno ma jiraaan.

Shariif Hassan ayaa sabeen nagu xiray, waxay ka dhigantahay Shariif Hassan ayaan waxaan ka ogolaaday inuu dhulkeena beec geesto. Siyiisiyiinta soo hor kacayso Shariif Hassan ma indhaha ayey la hihiin, maxaa ku kalifay , waxa asan awood u laheeen inay balan qadaan. Waxaan dhihi karaa, waxaa la joogaa waqtigii maal iyo naf la huri lahaa difaaca sharafteena, maamulkeena, iyo mustaqbalka caruurteena. Nabad la tuugay Nabad ma ahan. Peace cannot come with begging. Peace comes when you fight it. Nabadu waxay timaadaa markaad u dagaalanto inaad nabad hesho.

Hadalkeyga waxaan ku soo gababeynayaa, Intii aad dhimman laheed adigoo aan wax sharaf laheen waxaa ka wanaagsan inaad dhimato adigoo sharaftaada difaacayo.

As English ”It is better to die while you are defending your dignity instead of dying without respect” Abdi Sheeq, Koonfurgalbeed.

Cabdi Sheeq (Cabdi koonfurgalbeed), Codka Shacabka Koonfur Galbeed

Voice of Southwest People

koonfurgalbeed@Hotmail.com

1 COMMENT

  1. Hadalka ninkaan waxaa ufahmay aan dagaalanno haladagaalamo maxumee dhulka ma digil/mirifle iyo bimaal lee degan taas jawabteeda waa maya haday ninkaan waxuu ka hadlayo cadaalad yihiin uusan hawiye naceeb ka eheen almiina xataa hawiyaha asalkooda degnaa muxuu uku soo dari waayay mise asikaa boob rabo afgooye waala yaqaan boqolaal sano waxaa deganaa beesha geladi iyo daame gorgaarte ookala ah wacdaan, wadalaan, silcis, midakale aaway gaaljecl oo dega walaweyn ilaa diinsoor aaway abgaalka dega deexda kasoo bilaaw madiina ilaa marka waxaas oo dhan xoog mey meesha kuimaadeen aaway hilibi dalandoole oodega buula mareer ilaa baraawe ayaka iyo tunni isla degan aaway shiiqaal oo inbadan kadegan magaaloyinka xeebaha ilaa kismaayo xataa daadsan oomaanta madaxwene kuxigenka jubbalan ah war dulmi lama rabee hala isdejiyo ee si cadalada runta halooka hadlo

Comments are closed.