Mala Dhihi Karaa Dowladda Shariif Xassan ee Seddexda Gobol Waxay La Mid Tahay Dowladdii Salbalaar ee General Caydiid oo Si Dad Ban u Soo Noqotay. Qore: Cabdi Sheeq

6
98

sakiinHadii aan si fiican u fiiriso wasiirada Dowladda KG3 ee uu maanta 03 Jan 2015 Shariif Hassan magacaabay, waa wax aad loola yaabo habka uu beelaha ugu qeybiyey wasiiradda. Liiska wasiirada waxaa ku jira Ilaa iyo in kabadan lix wasiir ayuu waxa uu siiyey Beelaha Hawiye. Dadkii Dhulka asal ahaan degenaa sida Digil waxaa la siiyey seddex wasiir? Ma Digil iyo Mirifle ayaa miniorty (dad laga tiro badan yahay) ka noqday Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Xisaabta Shariif Hassan waxaad moodaa inuu aad qiimo iyo qadarin u siiyey beelaha Hawiye, taas oo aad looga dareemayo liiska wasiirad maanta soo baxay. Waxaa kaloo arintaan laga dareemayaa in dadkii dhulka iska lahaa gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose hogaamiyayaashoda Siyaasadda iyo dhaqanka oo lagu qanciye xoogaa lacago ah oo jeebka loogu riday. Wax aritaan ka hadlayana ilaa iyo hadda lama hayo.

Tan kale, waxaa halkaan ku cad in Heshiiskii KG6 iyo KG3, aan waxbo laga soo qaadin, meeshana uu ku burburay, waa sida dad badani ay la tahay. Markaa maxaa isbedelay oo Shariif Hassan ku dhaliyey in uu ballanta ka baxo. Waa wax iska cadahay, Somalida waxay ku maahmaahdaa, ”Ri xaaraan ah, orgi xalaal ah ma dhasho”. Liiska wasiirada waxaa si fiican looga dhex akhrisan karaa in si cad loo bedelay khariidada iyo taariikhda, siyaasadda, awood qeybsiga dadka Digil iyo Mirifle. Waayo Shariif Hassan Digil iyo Mirifle ma dooran. Waxaa meesha keenay waa Madaxweyne Hassan Sheikh iyo xertiisa, kaas oo kula balamay in cad wanaagsan laga siiyo Beesha uu ka soo jeedo Madaxweynha. Waa yaabe, Digil iyo Mirifle Shabeelada Dhexe, Galgaduud, iyo Mudug wax malaga siin doonaa? Jawaabteeda waa sahal, waa maya.

Lax walba meeshay isdhigtaa lagu qalaaa, waayo Digil iyo Mirifle waxaa laga waayey hogaamiye daacad ah oo arimahaan si cad uga hadlo!
Dad badan oo ka soo jeeda Digil iyo Mirilfe ayaa waxa ay ku tilmaameen dhaqankaan Shariifka waa ifafaale aad u xanuunbadan, mana muuqato in Shariif Hassan wax wanaag ah uu u hayo Digil iyo Mirifle. Kuwa uu wasiirada ka dhigteyna dhammaan waa ”YES Man” oo macnaheedu yahya, in aysan ka horimaan karin, wax kasto oo laga yeesho dhulkooda.

Waa afgambi kale oo soo mara tariikhda Digil iyo Mifle. Seddex Gobol ayaa Shariif Hassan hore u bixiyey, maxaa kale oo aad sugeysaan. Waxaan dhihi karaa maanta 03 Jan 2015, waxay la mid tahay 17 Septemebr 1995,oo ay Salbalaar xoog ku qabsatay Dhulka Digil iyo Mirifle. Haddan si kale u dhigo, Maanta waxaa lagu qabsaday Dhulkii DM waa awood Dhaaqaale, maadaanma la ogaaday dagaal inaan wax looga qaadi karin. Hadii ugaasyadii la gatay, Xildhibaanadii mar hore Jeebka lagu ritay, aqoonyahanadii lakala qeybiyey, yaa u maqan maatada Digil iyo Mirifle?
Hadaba dowladdi Salbalaar waabey soo noqote ee maxaa la gudboon Geesiyashii RRA wixii ka haray ee nool iyo dhalinyada KG ee daacadda u ah, diintooda, dhulkooda iyo dadkooda.

6 COMMENTS

  1. 1. Hawiye xaqbuu uleeyahay kamidnoqoshada maamulka berkee beelo badanoo hawiye ah baa dega goboladaan. Shiiqaal baa kamaqan meeshaan xataa.

    2. cidwalboo xataa tuulo kadegta waa in maamulka lagu daraa.

    3. hawiye deegaano xamar kuhareersan kana tirsan sh hoose sida ceelasha biyaha ilaa markey degaan JOOGAANA. Fiirir cida maanta degan una taliso magaalada madaxda marka shacbi ahaan iyo ciidan ahaan?? Hawiyaa kamida

    4. Digil iyo Mirifle say MINORITY ugayihiin maamulka?……shariif sakiin ma HAWIYAA??? maya waa MIRIFLE.

    5. Eeg maamulka kasoobixidoona gobolada dhexe….qabiilwalboo dega sida Mareexaan iyo xataa leelkase (hadii mudug laraaciyo) way kasoo qeybgalidoonaan. waa qasan

  2. Xalka keliya ee ay leedahay balaayadaan uu noola yimid Xasanow Eeding waa in si degdeg ah loogu howlgalaa sidii loo fashilin lahaa dowlad-ku-sheegta uu layimid. Waa in dhinac walba lagaga yimaadaa si aanay waxba ugu soconin, waayo hadday waxani hirgalaan waa dhammaadkii DM.

  3. ASC WAXAA YAABAY MARKAN ARKAY WASIIRADA MAGACYADOODA OO UBADAN HAWIYE WAA YAABAY QOFKA HADII DEGEN YAHAY GOBOLKA SH/HOOSE XAQ MA ULEEYAHAY IN UU XIL KA QABTO WAA SU AASHA MEESHA TAALO JAWABTU HADI AY HAA TAHAY MAA DADKA DIGIL IYO MIRIF AY DEGAN BUNTLAND MAXAA LOGU DHIGI WAAYEY MASUUL WAXAA KALO JIRO WAA WAX FASHILMAY D/G KG WAAYO MA LEDAHAY CIIDAMO UDHASHAY DEGAANADOODA WAXAA KA TALIYA G/SH/HOOSE WAA CIIDAMO HAWIYE MARKA HORE SHARIIF XASANOOW KASAAR CIIDAMADAAS XOOGA KU HEYSO DHULKAAN MARKAAS AYAA DADKAADA ICTIRAAF KA HELEYSAA

  4. marka hore waa in uu maamulkan hirgalaa,oo la dhisaa ciidankii degaanka iyo hay´adihii maamulka,, si aad taas u gaarto ,waa inaad marka hore qancisaa dadka wax dumin kara si aadan fadhiid u noqon, marka labaad maamulka waa ku meel gaar,sannadka 2016 waxaa la qabanayaa doorashooyin,ay dadka soo dooranayaan hoggaankooda mid degmo iyo mid gobol,, waxaana shaki ku jirin dadkii asalka u lahaa dulkan inay ku soo bixi doonaan doorashooyinka,qaar badan oo hadda la magacaabayna ay dariishadda ka bixi doonaan,,ee ha deg degina howsha waa la wadaaye.

  5. Arintaan waa in lasoo dhaweeyaa sida gobolka loo degan yahay waa layaqaan hawiye waa qabilka labaad ee kusoo xiko raxanweyn markii g/galbeed la eeko
    1 galjecel
    2 wacdaan cisman
    3 abgaal cismaan
    4habargidir iyo murusade
    mesha waxaa kamaqan shiiqaal iyo hilibi dalandoole
    silcis iyo wadalaan iyo hintire marka riix qabe intuusan qeeylin ayaa raaxo qabe qeey liyaa

  6. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Tan xasanow edin wax lagu qiimeeyo male,sabatoo ah salbalaarta waxay u xanqal taageysay midnimo soomaaliyeed,kgs waxay u xanqaltaageysaa midnimada baydhaba iyo bardaale.

Comments are closed.