Reysulwasaarihii Hore ee Dowlada Federalka oo Maanta Xilka ku Wareejiyey Reysulwasaraha Cusub

0
25

cabdiweliRa’iisal wasaaraha cusub Ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay ra’iisal wasaarihii hore Ee Soomaaliya C/wali Sheikh Maxamed.

Munaasabada xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ahaa madaxweynaha Soomaaliya,Labada mas’uul ee xilka kala wareegayay iyo Xubnaha labada Gole ee Dowlada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa warbixin kooban ka bixiyay waxqabadka xukuumadiisa mudadii ay jirtay, isaga oo xusay in horumaro badan laga gaaray Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, gaar ahaana sugida amniga, dhaqaalaha, iyo hagaajinta iyo soo celinta xiriirka caalamka iyo arrimaha Federaalka oo guulo waaweyn laga soo hooyay sida uu hadalka u dhigay.

Cumar C/rashiid oo xilka la wareegayay ayaa isagana hadalka ka jeediyay madasha isagoona sheegay inuu si wanaagsan kaga soo bixi doono howsha loo igmaday.

Ugu danbeyn munaasabada waxaa ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya isagoona uga mahad celiyay ra’iisal wasaaraha xafiiska baneynaya sida wanaagsan uu xilka u wareejiyay.

 

Daafeet.Com