Kulan Ay Yeesheen Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Shaley Ka Dhacay Magalada Baydhaba

1
31

kulankulan ay maanta isagu yimaadeen golaha wasiirada ee maamulka koonfur galbeed aya shaley ka dhacay hoolka shiriarka ee maamulka koonfur galbeed e magaalada baydhaba.

Kulankani ayaa waxaa shir gudoominayey maddaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur galbeed somaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed waxaa loogu doodey marxaladii kala duwanaa ee Dhowaanahan ka Dhacey Magalda Baydhabo ee Caasimada koonfur galbeed.

Waxaa kaloo la isla soo qaadey Dhibaatooyin loo geystey Shacabka koonfur galbeed Soomaaliya oo Xuriyadooda iyo Rabitaankooda laga hor istaagey oo la doonayo in loo keeno maamul goboled Gumeysi dabada ka riixayo.

Wasiiradii kulanka ka qeyb galey ayaa sheegey in Shacabka koonfur galbeed ee Soomaaliya marna la qasbi karin oo ay heystaan Maamul ay Gacantooda ku soo dhisteen oo u adeegaayo rabitanak Shacabka.

Waxa kaloo halkaa Lagu shaaciyey in aaysan jirin Wax heshiis ah oo ay la galeen Kooxda uu hogaaminyaayo Shariif, sidoo kale waxey umad Soomaaliyeed iyo Calamka ay ogeysineyaan in lagu xadgudbey Xuriyada Shacabhka koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo loo isticmaaley Awoodii Ciidamada Amisom oo si qaldan loo isticmaaley, oo Shacabkii loo isticmaaley in lagu Caburiyo sidoo kale ayaa waxey u sheegen wixii Awaaqib xuma ah ka dhasha falka Ciidamada Amisom ay ku kaceen oo ka dhasha ay Masuul ka yihiin.

Sidoo kale ayaa waxey u shegeen dowlada federalka Igad iyo Amisom in Mar’naba aan Ogolaaneynin in Dhulka koonfur galbeed la kal Qeybiyo oo Dad aan u dhalan loo gacan geliyo oo shacabkeena Dad kale ay gumeystaan oo loo sameyo`Maamul ka yimid wadamada Deriska nala ah oo doonaya in deeganada Xoog ku maamulaan oo dadkooda ku abuuran oo la bara kiciyo Umad Koonfur galbeed ee Soomalaiya.

kulan1

kulan2

kulan
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. ASWT HA IDIN GARGARO XAQQA AAD KU TAGANTIHIIN XAQ IYO BADILNA MEEL MA WADA GALAN.MIDDA KALE OGADA ASWT MUNAFUQ IYO DALIMIIN UMA HILIYO WAQTIGA UMBA LO DHEREYNAYA MOOYE ALLEH AGTISA WAXBA UMA YAALA , MAR DHOWNA DHULKA AYAA LAGU SO DHUFANAYA, OGADA WIXI LAQDABO KU HESHIYA LILLAHIGA AY KU DAGALAMAAN.

Comments are closed.