Xildhibaanada Barlamaanka oo Ka Dalbay Nicholas Kay Inuu Raal Gelin Ka Bixiyo Hadalki Dhawaan Kasoo Yeerey

1
25

barlamanka-cusubQaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta ugu baaqay ergayga QM ee Somalia danjire Nicholas Kay inuu raalli-gelin ka bixiyo eedeyn ku saabsan laaluush ay qaataan xildhibaannada xilliyada khilaafyadu dalka ka jiraan.

Danjire Kay ayaa dhawaan sheegay inuu ka walaacsan yahay inay lacago laaluush ah ku bedelanayaan xildhibaannadu baarlamaanka Somalia codadkooda si kalsoonida loogala noqdo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo qoraal kasoo baxay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka u akhriyay warbaahinta ayaa sheegay in danjire Kay uu gef u geystay hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay hadalkii uu sheegay mid nasiib-darro ah.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka kasoo baxay xildhibaannada ayaa lagu xusay in erayada qoraalkii danjire Kay uu xafiiskiisa kasoo saaray 02 Nov, 2014-ka uu yahay mid ka baxsan hab-dhaqanka dublamaasiyada uuna meel-ka-dhac ku yahay dastuurka, xorriyadda iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.