Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka koonfur galbeed Maxamuud Sayid Aadn, kuwaasoo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Beydhabo ee gobolka Bay.
Wafdigan ayaa waxaa groonka diyaaradaha Garbahaarey kusoo dhaweeyay bulshada qaybaheeda kala duwan, siyaasiyiin, saraakiisha ciidanka Somalia ee gobolkaas ku sugan iyo kuwa AMISOM.
Maxamuud Sayid Aadan oo saxaafadda kula hadlay garoonka ayaa sheegay in ujeedka uu Garbahaarey u yimid ay tahay ka qayb-galka shir degmadaas ka furmi doonna, waxana uu rajo ka muujiyay inay kasoo baxaan qodobb la isku raacsan yahay.
Qaar ka mid ah dadweynihii soo dhaweeyay iyo maamulka gobolka Gedo oo dhankooda warbaahinta la hadlay ayaa ku ammaanay Maxamuud Sayid iyo wafdigiisa kasoo qayb-galka shirka watashiga ah ee furmi doono.
Hlakn hoose kaga dhegeyso mobilkada
Daafeet.Com