dhegayso..Dagaalo ka dhacay Duleedka magaalada Kismaayo iyo dhinacyada dagaalamay oo guullo kala sheegtay

0
34
kiiAl-Shabaab ayaa waxa ay ka hadleen dagaaladii ka dhacay labadii maalin ee lasoo dhaafay Gobalka Jubadda hoose, gaar ahaan duleedka Kismaayo, halkaasi oo ay isku fara saareen Xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada Jubba oo ay wehlinayaan kuwa Amisom.
Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalada Jubbooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfi oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in Dagaalkii maalmahan ka dhacaye duleedka Magaalada Kismaayo uu ahaa mid ka dhashay, kadib markii Al-Shabaab ay diideen in Kismaayo laga dhoofiyo Dhuxusha.
Dhinaca kale Afhayeenka Maamulka KMG ee Jubba C/naasir Seeraar Maax oo la hadlay Warbaahinta ayaa dagaaladaasi guulo ka sheegtay, wuxuuna sheegay in Al-Shabaab ay kaga guuleysteen dagaaladii labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay duleedka Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Cabdi Dhoore.
Halkan ka dhegayso warbixinta wariyeheena oo dhamaystiran