Maraykanka oo Xirayo Xawaaladaha Soomaaliya

1
32

imagesMalaayiin Soomaali ah oo ku nool gudaha Dalka ayaa Cabsi ka muuujinaya inay waayaan Lacagihii ay ka heli jireen dhinaca Dibada, iyadoo arintaan ay dabo socoto  Go’aan Maraykanku uu ku xirayo Adeegyada Xawaaladaha Bisha Julay.

Daraasad ay Sanadkii hore daabaceen Hay’addo ka shaqeeya Gargaarka ayaa lagu sheegay 40%  Qoysaska Soomaaliyeed inay ku tiirsan yihiin Lacagaha loogasoo diro Wadamo kale. Hay’addaha Sharci Dajiyaasha Maraykanka ayaa sheegaya inay ka Cabsi qabaan Lacagaha loo diro Soomaaliya inay Gacanta u galaan Kooxaha mayalka adag.

Si kastaba ha ahaatee, Somalida ayaa sheegaya inay ka wal walsan yihiin mustaqbalkooda haddii ay waayaan lacagaha Xawaaladaha. Banaanbaxyo ayaa horey loogu qabtay Banaanka hore ee Xafiiska adeega Xisaabaadka Maraykanka ee Minneapolis, iyadoo looga soo horjeeday Go’aanka Washington . Dibadbaxayaasha ayaa ugu yeeray Sharci dajiyayaasha Maraykanka inay badalaan Siyaasadooda ku aadaan Joojinta Xawaaladaha Soomaaliya.

1 COMMENT

  1. Hadda Bunsho iyo Biyo lo kala bahaya. Somalida Gudaha ku jirto ha tashtaan dowladha ha iska celiyaan dollar dunida siso Shaqo ka ku Caburaan dalkana wax ha ugu qabtaan Afka Buxso,Ehela Shego, Aqala Jexo ha jojiyaan .

Comments are closed.