Jaaliyada Shanta Caleemood oo kulan ey kaga hadlayaan ayahooda ku yeeshey Magalada Jiddah ee dalka Sacudi Arabia

12
106

DAAFEED1Shir ay isugu yimaadeen jaaliyada Shanta Caleemood ee ku nool dalka sacuudi arabiya ayaa lagu qabteyshaley gelinkii dambe magaalada Jeddah ee dalka Sacudi Carabiya.

Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen dhamaan jaaliyada shanta caleemood e ku nool magalada jidah ee dalka sacuudi arabiya ayagoo isugu jirey odeyaal dhaqameed, aqooyahano iyo ganacsado dhamaan ka soo jeeda jaaliyada Shanta Caleemood ee ku dhaqan Sacuudiga gaar ahaan magaalada Jeddah ayaa ahaa mid lagu mideynayo beesha Shanta caleemood.

Sidoo kale shirkaan ayaa lagu muujiyey taagyeerada ay u hayaan dhisida maamul goboleedka Koonfur galbeed oo ka kooban 6da Gobol.

Dhamaan xubnihii gogoshaan ka soo qeeb galey ayaa isku raacey in laga wada shaqeeyo midnimada umadooda iyo sidii wax loogu qaban lahaa deegaanada ay ka soo jeedaan waxayna hambalyo iyo bogaadin u direen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo howsha ay hayaan.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa la’isku raacey hogaan ay yeelato jaaliyada shanta Caleemood oo ay hogaaminayaan

1- Gudoomiya jaaliyada IRDHE Maxamed C/laahi Mursal

2- Gudoomiya jaaliyada HUBEER Maxamuud Maxamed Cabdi

3- Duqa jaaliyada JAMBALUUL Siid Cali Sheeq

4- Duqa jaaliyada HIIFMUGE Axmed Saqiir

5- Duqa jaaliyada BARBAAR Xuseen Amadow

DAAFEED1

DAAFEED2

DAAFEED3
Daafeet.Com

12 COMMENTS

  1. aad ayaan ugu faraxsanahay in ay sidaan oo kale isu abaabulaan shancaleemood oo ayahooda ka tashadaan teeda kale dakii hormuudka ahaa sida abuukar mukhtaar iyo xasan gaab oo jida aan kumogaa ma ii muuqdaan iyo intii canaakisha aan ku ogaa war shirkasta oo la qabanaayo dadka ha loo dhameeysiiyo say guusha u balaarato gacmo wadjir ayey wax ku gooyaan saxiibkayga mukhtaar baardheerana hala raadiyo awustrali ayaan ku ogaa wa nin karti leh aad iyo aad ayaan ku farxa marka aan arko in aan ka tashaneyno ayaheen oo aan cid kale nagu dhexjirin waa walaakiina maxamed bariire

  2. sas laraba hada aya shancelomod awodeda soo labane maxa yeley mar hore indhaha aya laiska daban jirey danteyna ina garano waa wajib si shabelha hoose xukunkeda aan ula waregno maxa yeley shabelha hose majiro shancelomd qabailaka iska celi karo kuwa dulanka nagu ah xata wey naga cabsadan lkn marke na arkaan anagoo isku duban shabelha hoose malin cad aya alabtoda kararan dona

  3. erdhe wuxu ogadey hubeer la aatisa inuu waxba socon karin maxa yeley xubeer ciidaan iyo dhagale wax kaste wuu haya lkn erdhe ayaga dhan 4 xabo waye waxay ogaden xubeer lafdhabarka shancelomd ina yihin

  4. Shanta-caleen wa mid, lakin qurba-jogta aya dadka kala qebinaya. Shanta caleen mardhow sh/hoose ayaga hogaamin doona guuul guul

  5. Asc siin saalmi dhamaantiin (KG dadaala deeraasaana dawlad gobaleedka dooda dha teen ma ex makasnee horta is waaniinee tii diyee kale boorka usku dhagneen dad dhul shoo la anshuurooyo intii is caayaan wal ku faylaya ardii siduun ahaayii hubeeraa siduun haayii dhaafa doogiin koo ley haadooy

  6. ninka hubeer saan eh erdhaa san eh ku haayoow is soo daaweey sxb shancaleemood makala maaranto ee hadaladaan ookale bulshada hala imaanin sxb eena xumaan ha u arkin hadalkeyga waa iga waano hubeeer iyo erdho lagama hadloooya waa total shancaleemood

  7. asc waa aran fiican oo haboon in laso dhaweyo maxaa yeelay somali waxey ku mahmahdaa gacmo wada jir ayey wax ku qabsadaan walaliyaal aan midoowna shanta calemood waa seem yaana lakala saarin midada kale aan sameysano qol aan kuwada hadalno oo an ku shekeysano sida facebook ama tallefoon arinkaas aan sameyno si aan u hor marsano dadkeena am degaanadeena hadii aan sameyn karno

  8. waxaan kacodsanayaa agaasimaha wep daafeet.com hanoo sameeyo wax aan.ku.xiriirno aalad walbo ha ahaatee wlh aniga hada dhalinyaro shanta calemood ah ayaan wada hadalnaa lkn dhamaanteena degmada kuma aana dhalan lkn si aad iyo aad ayaan isku xirininaa marka walaaliyaal aan tashano hadaa nahay shanta calemood

  9. shabellade hoose wanlaweyn ninka watta, hadiiba ad beeshada u kala xiiliso ama dhexdeeda ku mashquusho see cadowgaaga uga guuleysaneysa?, sxb hadaladaas waa jaaniska ceyr iyo murunsade uga faa,iden gaboolka. aragtaada ha dheerato markasta,

  10. mashaa allaaah waxaan leeyahay shancaleemood hajirtoo hajoogto maantana waxaa muuqda in shantacaleemood ay fahmeen wadadii guusha walaalayaal waxaan shaki kujirin in gobolka ay doqon walba hunguriyeynayso sidaas darteed aan umidowno iskacaabinta iyo kahortagga cadowgeenna gudaha iyo kan dabadaba intaas waaa igawaano iyo wax sheeg waxaan kaloo ugu baaqayaa dhamaan shantacaleemood meel ayjoogaanba in aysan afka kahadlin oo kaliya lkn ay ficil layimaadaaan run ahaantii degmada wanlawayn 1960 ayeey dagmo ahayd maantana tuulooyinka gobolada kale kuyaal adeegyada ayhaystaan mahaysato dagmadu taasna waxaa sabab u ah dadkeeda maxaa yeelay magaalo aan lahayn dhamaan adeegyadii bulshada sida Caafimaad,Waxbarasho,Amni maxaa lagu micnayn karaaa sidaa darteed waxaan hadalkayga kusoo gaabinayaa in wadada aan maanta cagta saarnay aan kusocono Guushuna way dhowdahay ee yaan dib loonoqon

Comments are closed.