Dhegeyso:- Reysulwasaare Saacid oo sheegey inuu kordhin doono Golaha Wasiirada

0
23

sacidRa’iisul wasaaraha xukuumada Muqdisho Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in golaha wasiirada ee uu soo dhisi doono ay ka koobnaan doonaan 23 wasiir iyo wax la mid ah, isagoo xusay in dhawaan uu ku dhawaaqi doono golahaasi cusub.

Ra’isul wasaare Saacid ayaa waresiga uu siinayey Universal Tv wax laga weydiiyay musuqmaasuq la sheegay inuu ka dhexjiro jiro dowladda Muqdisho dhexdeeda sida in lacago lagala baxay bankiga dhexe ayaa waxa uu sheegay in taasi ay tahay mid aysan waxba ka jirin, isagoo xusay in dowladda aysan wax musuqmaasuq ah ku lug laheyn.

Dhanka kale R/wasaaraha oo ka jawaabayay su’aal aheyd xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeyaa madaxda kale ee dowladda ayaa sheegay inay ka dhaxeyso wadashaqeyn wanaagsan, uuna rajeynayo in wada-shaqeyntooda ay socoto illaa sanadkan 2016-ka.

 

Reysulwasare Sacid

 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

Reysulwasare Sacid Mobil

 

Daafeet.Com