Afhayeenka Howlgalada Alshabab ''Abuu Mascab'' oo sheegey iney Dileen Labo ka mid ah Saraakiisha Alshabab

0
38

Abuu mascabAfhayeenka howgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa war uu warbaahinta siiyay ku xaqiijiyay in laba ka mid ah saraakiishii sar-sare ee Al-shabaab lagu dilay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii ay diideen inay is-dhiibaan.

Labada ruux ee la dilay ayaa waxay kala ahaayeen Sheekh Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaannay Ibraahim Afghan iyo C/xamiid Xaashi Col-haye oo loo yaqaannay Macallin Burhaan oo labadaba ka mid ahaa rag ay xulufo ahaayeen Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali oo toddobaad ka hor kula dagaalamay degmadaas xoogaga ka amarqaata hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Afhayeenku wuxuu sheegay in raggan iyo kuwo kale oo baxsaday ay wadeen isku dayo ay ku kala qaybinayaan Xarakada Al-shabaab, taasna ay keentay in howgallo lagu soo qabqabanayo la sameeyo, isagoo xusay inay jiraan rag kale oo baxsaday oo qaarkood ay ciidammo ka daba-direen.

Afhayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay in labadan ruux ay ka mid ahaayeen rag diiday amarrada hoggaanka Al-shabaab sidaasna lagu dilay, isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay socdaan howlgallo kale oo lagu doonayo in lasoo qabto rag kale oo ay jaal ahaayeen.

Ragga kale ee lagu raad-joogo oo ay isku dhinac kasoo jeedeen labadan ruux ee la dilay ayaa waxay kala yihiin: Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xalay soo gaaray Muqdisho iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo la sheegay inuu ku sugan yahay deegaanno ka tirsan gobolka Bay.

 
Daafeet.Com