Dhegayso….Banaanbax looga soo horjeedo maamulka gobolka Shabeelaha hoose iyo gudoomiye Siidii oo beeniyay.

6
53

banaanbaxDibad bax ka dhan ah maamulka DF-ka ugu magacaaban gobolka shabeelaha Hoose ayaa maanta ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya Marka ayaa sheegaya in boqolaal qof ay isugusoo bexeen waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi waxayna ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah  Siidii  Cabdimuuse oo oo iyagu ah kuwa ka soo jeda gobolka, ayna gobolka ku hayaan dad kii horey u heysna jiray gobolka .

waxaa intaas ka siid aran markii ugu horeysay dadka gobolka oo banaanbaxay misana ku dhawaaqayey ereyo aaan horey looga baran , waxaa ka mid ahaaa NINKII INDHOCADE ABTIGA U HAA oo la yirahdo mudane hadana ah ama shegta gudoomiye ku xigenka gobolka xaga amaanka , falkii uu horey ugu geystay , nin nabadoon deganka ah oo ay jar jareen hilibkisana ay eeyaha xeebta marko siiyeen , kasoo lagu magacaabi jiray Nabadoon GEESDIIR allah ha u naxariistee,

Haween iyo odayaal dhaqameedyo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in musuq maasuq xoogan uu ka jiro magaalada islamarkaana ciidanka magaca dowladda wata ee Marka ku sugan ay kufsi ku hayaan dumarka islamarkaana ay dhacayaan hantida dadweynaha.

Sidoo kale Haween iyo carruur careysan ayaa isugusoo baxay waddooyinka degmada Afgooye,wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka C/qaadir Siidii uu musuq maasuqay raashin hay’adaha Turkiga ugu talagaleen dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan qeybo katirsan shabeelaha Hoose.

Waa dibad baxii ugu horreeyay oo ka dhan ah kuwa mesha maamulka ka sheegta ee ka dhaca gobolka shabeelaha Hoose waxaana xusid mudan in ciidanka shisheeye ee xoogga ku jog shabeelaha Hoose aysan soo faragelin iskusoo baxyadii ka dhanka ahaa ragii ay ilaalinaayeen  ee maanta dhacay.

Dhanka kale Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay mudaaharaadadan.

Dhegayso warbixinta Banaanbaxa dibadbaaxi

Halkan ka dhegayso hadalka Gudoomiye Siidii Dibadbax

6 COMMENTS

  1. gadoomiyaha waa runtiisa wax mudaharaad ah ma kajirin meesha wa ok mudaharaadka dadka isku ra,yi ma ahan lkn waxaan u sheegayaa dadkaan guryaha ka dhax qaylinaayo yaan la marin habaabinin c/qaadir siidi howshiisa ayuu gutaa marka amay noqotaa haduu ka dego ka daroo dibi dhal oo ninkale oo shacabka gumadaaya usoo baxaa war aqoon yahan ayad haysataan aamusa magaciina yaa maqli jiray wuu idin soo saaray umahad celiya c/qaadir siidi

  2. Abdi ninka isku sheegaya ninkan aad leedahay waa nii wanaagsan yahay soo ma ahan ninka leexsaday hantida gobolka shabeelada hoose gaar ahaan mucaawinada loogu talo galo mida kale ninkan soo ma ahan ninka isbaaarada ugu badan ay u taalo gobolka oo ay la shiraako yhn tuugada ka timid guriceeel….mise adigaaba tuug guriceel ka yimid ah abti ha is qarin banaanka is keen…

  3. banaan bax iyo cabasho in la sameeyo waa wax mudaadin walba xaq u leh aan cidna ka hor istaagi karin .basle waxaa iga su,aal ah intee cadaalad ka jirta somaliya ? dadka banaan bax sameeyey oo leh dowlada haa naga soo gaarto soo lama socdaan kuwaas naftooda in ay tuugo yihiin oo aan adiga maslaxadaadi u socon rabaan oo kali ah in ay wax dhacaan .mida kale mucaarad waa nalagu noqon karaa balse waa in laga taxadiro ficilada qaarkood waayo ma ahan siidii h/gidir waa nin reer gobolka ah gaar ahaan beelaha aw digil ka dhashay qalad haduu galeyna waa in lagu xaliyaa sii hoose .hadii la rabo in la badelo waa in la keenaa dad kale ka fiican ,lkn caayda iyo aflagaada waalaga fiican yahay .wax socon kara ma ahan in la dhaho kabax marka waayo waa muwaadin u dhahay gobolka hadii la badelo xitaa waa in uu sii xor ah uga nolaada gobolka meeshoo rabo .

  4. markaawi kk sxb aniga guri ceel meel ay ku taalo magaranaayo raali ka noq midaas aflagaadadana waa ceeb tuug iyo waxa aad dadka ku tilmaameyso mafiicno just ra,yigaaga sheeg hana i caaynin gobolka maamul ayuu leeyahay sxb waa in loo hogaansamaa abdikadir siidi waa madaxa gobolka ama madaxweynaha gobolka ok qofka walalkiisa garab istaago ama madaxdiisa wuu guuleysta asxaabey waad aragtaan kismaanyo waad aragtaan puntaland war shabeelada hoose qofkiina muuqda maxaa loo ximaa c/qaadirna siyaasada asagaa ka dhax muuqda waana nin awood kuleh oo awdigil ah

  5. ali amiin bro ma taagno waa muwaadin gobolka u dhashay iyo uma dhalan.gobolka wuu u dhashay waana digil c.siidi lkn waxa lagu heysto ayaa ah muxuu ugu soo hogaamiyey gobolkiisa dadka 22 sano.. bro siidii asaga lama necba waana muwaadinkeena hadii aan nahay gobolka shabeelada hoose waana jecelnahay qof gobolka u dhashay inuu na maamulo lkn waxa lagu nacayo waa tuugada uu dabada ku wato ee ka so kicitamay guriceel…war damiir yeesha yaana la is dhihin qabiil ahaan ayey ku nacayaan…ninkana yuusan magaca ugu ciyaarin awdigil ileen awdigil waa dad cadowga la dirira mar walba ee ma aha qof cadowgiisa soo dhoweysta..qabiilka maanta afgooye gelediga deganaa marti ka dhigay ma waxaad sugeysaan inta wanlaweyn iyo awdheegle marti ku noqoneysaan digilow oo weliba uu nigu soo hogaaminayo ninka aad u doodeysaan…ninkan awdigil yuusan magaca ugu ciyaarin ee iska qabta intay goori goor tahay…

  6. Abdi sorry abti xamaasad nala tagtey..dadka ku doodaya ninkan waa digil…
    digil waxa ay leeyihiin dad mutacalimiin ah oo wax bartay iyo dad aragti dheer wax ka fiiriya ee ma ahan dad dhulkooda iyo dadkooda xasuuqa usoo horseeda ama usoo adeegsada dhulkooda dadki shalay xasuqay..mid ayaan idinka codsanayaa digil yaan magaca looga ciyaarin…waayo magaca awdigil waxa ku ciyaaraya waa siidi oo kle.siidi waxa uu ahaa ninkan saacadan lo baahnaa inuu ka hadlo dhibaatada dadkiisa loo geystay ee ma aheyn inuu boogta dadkiisa cusbo mariyo oo weliba uu ku soo hogaamiyo dadka shalay baabiiyey..thnks all

Comments are closed.