Beesha Gare oo iska Fogeysey wararka sheegayey in Beesha Gare iyo Jufada Ceyr ey ku kulmeen Degmada Afgooye

17
199

gareBeesha Garre ayaa iska fogeysay warar maalmahan leysla dhexmaraayey oo ku saabsanaa kulamo ay beesha Gare la yeelatey Jufada Ceyr  kaaso ka dhan ahaa beelaha kale ee dagan gobolka.

Siihayaha Suldaanka Beesha Garre, Suldaan Macalin fanax oo la soo xiriirey qaar ka tirsan wariyeyaasha bahda Daafeet.com ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin Wararka lala xiriirinaya beesha inay kulamo hoose la yeeshen Jufada Ceyr  tasoo uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad laheeyn, ayna wararkaasi faafiyeen dad ku cayaaraya sumcada Beesha rabana in ay iska horkeenaan dadka deeganka oo hada ku jira marxalad xasasi ah, Wuxuu intaasi raaciyey in shaqsi ama laba shaqsi wax ey sameeyeen loo aaneyn kari beesha.

Waxa kale oo uu sheegay Suldaanka in Beesha ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso isu keenida beelaha kale ee dagan gobolka si loo helo isku kalsooni, isu calool fayoobi , laakiin iyaga ka beel ahaan aanay hormuud ka noqoneynin wax kala fogeeynaya beelaha walalaha ah.

Suladaan Macaln fanax, ayaa sheegaya in ay jiraan kullamo iyo wada tashiyo u socdo Beesha, oo ay kaga hadleyso sidii ay uga shaqeyn lahayeen ugana qeyb qaadan lahaayeen danta guud ee gobolka.

Ugu danbeyn waxa uu baaq u diray shacabka gobolka uguna baqay isku duubnaan iyo wax wada qabsi ayna diyaar u yihin in ay kala xaajoodan cid waliba oo besha wax ka tabaneysa, wax walibana lagu dhameeyo wadahadal is hor farisasho.

 

 

Daafeet.Com

17 COMMENTS

  1. ASC BAHDA DAAFEET SHAQSI AMA LABA AMA GAROO DHAN LAMABA GALIN SHIR IYO WAXAAD SOO QORTEEN OO HORE DACAAYAD AYAY AHAYD GARRE WAA DAD JIRA OO DADKA LA DEGA AMA DIGILKOODA IYO SOOMALI NIMA JECEL EE WANAAGA DADKA AAN KA SHAQEYNO WAAD MAHADSANTIHIIN

  2. asc beesha gare waa walaalaheen waxaan jacodsan lahaa inay nabada kala shaqeeyaan walaalahooda kale si loo helo isku duubni iyo wada shaqayn kuwa qaska wadana laga qabto dadka.

  3. haa iidoow mada waakugu raacsanahay fíkradaada suldaanka waa in uuw qabtaa shir jaraait oo uuw datka qanciyo degaanka tuhunkaas waajiraa ee ah beesha ceyr aay alaince lagaleen gare si aay xaqqoda uqaataan beelaha kale eedega gowolka suldaanka tv amaba cotmakahayno si shacabka degaan deganka aay kuqancaan

  4. waa ka xumahay beesha garre in ay jawaab ka bixisay warka raqiis ahaa ee shaley meesha lagu qoray .ma haboona warkasta oo dacaayad ah been abuur ah in jawaab laga bixiyo ,waxay ahayt in laga amuuso .

  5. Asc/ salaam ka dib horta warka u sheegay suldaanka ma xuma wa war caadifat naxriitii lagu qabay u doonaayo lakiinse waxaa mesha ka baxay kalsoonidii iyo aaminkii loo qabay beesha Garre waxaa u muqata door muhim cayaaraayo oo ah naag caroowtay oo haddana ninkeeda saasab u tago sii dantiisa ka heelo haddaba maxa nala godboon horta saldaanka anaaga ixtiraameno waan in la yiimada wax lugu kalsonaaan karro maxa yeelay kalsonadii iyo aaminkii garre lugu qabay waa luntay haddaba Digil warkaan sii wanaagsan u dhooxa waxaana la yiri nin dab ku gubtay dambaska dabka ayuu mooda waan in raali gilin ka baxshaan khaladka sii toos u saxaan nabad galyo

  6. ARKUWAAN DAYA, war heedhe waxaan idin weydiiyay haduu hadlay Suldankii Beesha Garre ma waxaad rabtaan waxaan jirin inaad ku riixdaan ama uu rabitaankiina guracan ee kudhisan aqli darada idinku raaco, i mean Feysal,Mudey, iyo iidoow, waxaan filayaa in dadka degan Gobolka ee u dhashay ay daneynayaa horumarka iyo Nabdda aysan daneeneynin dhibaatoyinka ay ku riyoonayaan maangaabka aan danta dadka iyo deeganka garan,

  7. war maxaa tv laga hadlaa tv yada soo ma ogidin in 500 dollar looga hadlao hadii kale fyada muqdishana 50 dollar marka hadaan awoodi lahyen in aan iska bixino lacagaahaas deganka dhan afbaa lagu xoreyna lahaa

  8. Cajiib heedhe rabigiina kabaqa qabyaaladna wng makento beesha garena wxn kunaqan taagerida jihadka warna umahayan mamulka ridada marka lagarebo murtad sidi&qabqablayal lasocdo balantenu wa lajihaadida kufarta&murtadinta

  9. Bismilah Cajiib heedhe rabigiina kabaqa qabyaaladna wng makento beesha garena wxn kunaqan taagerida jihadka warna umahayan mamulka ridada marka lagarebo murtad sidi&qabqablayal lasocdo balantenu wa lajihaadida kufarta&murtadinta

  10. acs horta dadka layiraahdo digil waa dad wll o ah lkn waa dad xan mooyee aan aqoonin ficil war habargidir waxaa ay u baahan tahay in xoog looga saaro g b ka ee hadal kaliya wax mataro tankale gare hadii garab uu kahelo wllahiisakale waxaa uu garab istaagilaahaa wllahiisa lkn dacaayad markii layiraahdo warkaaliya dadkaan aan iska dhicino digil maya ayuuleeyahay digil dhimisho diyaar unoqo kadib waad heleysaa dhulkaaga ciidan iyo dhaqaale diyaarso kadib iska saara muuriyaanta lkn gare saas waye hebel saas waaye waa wixiilaguyiqiiney digil garab

  11. Asc ww walaalyaal maanta hadaa soo indha furateen maangaabta i.e feysal iid i wlm mawaxaa umaleyseen in garre ubaahanyahay dad garre deegaanadiidiisa cadow wuuka xureeysankara laakiin arinta hada meesha taalo ayaa in wax lawada qabsado dadka dagan gowolka sh hose meelna laga soo wada jeesto tusale daafeet dadka leh mexeey isaga saari waayeen hawargir 20sano garre waa oktihiin qoryooleey duhur ayuu kasaarsywaligeed tortorow maxukumin walaal yaal in is ixtiraamno nabka iyo naceebka dan ma idiin ahan gowolka midnimo ayuu ubaahanyahay

  12. Asc wl yaal wan kaxum ahay dadka in afkoodi aykutaab taan garre sabab tooah ni nola wax lala wadaagi karaa yaanol oo digel ah garr moye garre ogaada hadu amuso kali ah in laiden caburan doono

  13. Asc wl yaal wan kaxum ahay dadka in afkoodi aykutaab taan garre sabab tooah ni nola wax lala wadaagi karaa yaanol oo digel ah garr moye garre ogaada hadu amuso kali ah in laiden caburan doono madaama atihiin ded liita ona ogoleeyn dhimisho daraad dhow ayay aheed markii kasocde digaal kii marko wan kujiray aniguna bimaal maihi bimaal maxay udhac san wayen dhulkoodi yacnii awod malahan

Comments are closed.