Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo maanta u kicitamey Dalka Jabaan

0
40

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Jabaan halkaasoo uu kaga qaybgalayo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo shir looga hadlayo horumarinta Qaaradda Afrika.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo la hadlay warbaahinta intii uusan wafdigu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo sheegay in madaxweynuhu uu shirar kala duwan uga qaybgalayo dalka Jabaan.

“Madaxweynuhu wuxuu caasimadda dalka Jabaan uga qaybgalayaan 31-ka bishan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo ay shir-guddoomin doonaan isaga iyo ra’iisul wasaaraha Jabaan,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu bisha Juun billowgeeda uga qaybgalayo Tokiyo shir looga hadlayo horumarinta guud ee Qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

Wafdiga madaxweynaha ee maanta u dhoofay dalka Jabaan waxaa ka mid ah, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo xubno ka tirsan madaxtooyada.

Daafeet.Com