midowga Yurub oo cambaareeyey dilkii loo geystey ku xigeenka garyaqanka guud

0
28

catherine_ashtonMidowga Yurub ayaa cambaareeyay dilkii ku xigeenka garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya loogu geystay magaalada Muqdisho.

Haweeneyda afhayeenka u ah madaxa arrimaha siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in Catheron Ashton ay aad uga naxday toogashada iyo dilka ku xigeenka garyaqaanka guud ee dowladda, Axmed Maalim Sheekh Nuur, iyadoo tacsi u dirtay qoyskiisa.

Ashton waxay si adag u cambaareysay weerarrada noocaas oo kale ah, oo ay sheegtay inaan loo oggolaan inay naaqusiyaan horumarka mudan in la xuso ee ay Soomaaliya gaartay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu ka go’an yahay la shaqeynta dowladda iyo bulshada caalamka si loo taageero horumarka dhinaca siyadadda iyo soo celinta kala dambeynta Soomaaliya.

Daafeet.Com