Madaxweynaha dowlada federalka oo xaley casho sharaf loogu sameeyey Magalada garoowe

0
24

Faroole_Xasan_SheekhMunaasabad casho sharaf ah oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha dowlada federalka somaliya Xasan Sheekh ayaa xaley waxaa ey ka dhacaydey aqalka Madaxtooyada cusub ee maamulka Puntland Puntland.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda maamulka Puntland ee martida loo yahay iyo sidoo kale masuuliyiinta uu hor kacayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamed Faroole ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer uu kaga hadlay arimaha Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya ,Amaanka ,hirgelinta nidaamka Federaalka ,wax soo saarka khayraadka dabiiciga iyo Xisbiyada Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa khudbad uu ka jeediyay xaflada wuxuu ku sheegay in ujeedka ugu weyn ay Garoowe u tageen ay tahay la tashi maamulka Puntland lagala sameynayo shirka lagu qabanayo London.

Daafeet.Com