Barnaamijkii Dadow Doodnooy oo uu xaley marti inogu ahaa Gudomiyaha Gobolka shabelaha hoose iyo Agasimaha Idacada Wadajir Radio

0
35

siidiBarnaamijkeenii dadow doodnoy ayaa xaley waxaa marti inoogu ahaa Gudomiyaha gobolka Shabelaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Sidii iyo Agaasimaha Idaacada Wadajir Radio ee Magalada Atlanta Georiga ee Dalka Mareykanka C/casiis Sheekh Saalax.

Barnaamijkani ayaa waxaa uu ahaa barnaamij aad u xiisa badan oo lagaga hadlayey arimo dhowr ah oo ka taagan gobolka shabelaha hoose haba ugu horeyso isbaarooyinka tirada badan ee yaala gobolka shabelaha hoose.

Mar wax laga weydiiyey arimaha ku saabsan isbaarooyinka gudoomiyaha waxaa uu inoo sheegey in isbaarooyinkaas ey u yaalaan ciidamada dowlada asna uusan waxba ka qaban karin marar badana ey ka hadleen dowlada si wax looga qabto balse eysan dhicin.

Waxaa kaloo wax laga weydiiyey sida uu u sameysan maamulka gobolka waxaa uu ku nuux nuuxsadey in maamulka asaga uusan sameyn intooda badana ey ku diyaamadeen waraaqo laga soo sameeyey dowlada dhexe halkaasi ey ku joogaan amarka dowlada asna uu waxba ka qaban karin.

Gudoomiyaha oo ka hadlaya Isbaarooyinka waakan ee nala dhegeysta doodii oo dhana waxaan soo gudbin doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan haduu ala idmo.

siidi wareysi

Daafeet.Com