Human Rights Watch….Barakayaasha waa la haystayaal waana la kufsadaa.

0
38

huaDadka ku barakacay gudaha Soomaaliya waxaa loo geystaa gaboodfallo kufsigu uu ka mid yahay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.
Warbixinta waxay sheegtay in dhinacyada hubeysan, oo ciidanka dowladda ay ka mid yihiin ay geystaan gaboodfallada ka dhanka dadka barakacay ee dhibaateysan.
Warbixinta waxay soo xigatay haween ku jira qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho, kuwaas oo sharraxaad ka bixiyay sida loogu dhex kufsaday xeryaha ay ku jiraan.
Maamulayaasha xerooyinka – oo hay’addu ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin maleeshiyooyin hubeysan, ayaa lagu eedeeyay leexsashada cuntada iyo gargaarka kale ee loogu talagalay barakacayaasha ku jira xerooyinka ay maamulaan.
Human Rights Watch waxay intaas raacisay in dowladda cusub ee Soomaaliya ay wax yar ka qabatay dhibaatooyinka ka jira dhulka, walow dowladdu ay soo saartay warbixinno wanaagsan.
“Baaritaannada aan sameynay waxay tilmaamayaan in dadka ku jira xeryahan ay la-haystayaal ku yihiin xerooyinka,” ayuu yiri David Mepham, agaasimaha Human Rights Watch u fadhiya UK.
“Awood uma laha inay ka baxaan xerooyinka. Waardiyayaasha xerooyinka ayaa sidoo kale qeyb ka ah xadgudubyada. Waxay leexsadaan qeyb ka mid ah gargaarka caalamiga ah ee loogu talagalay dadka rafaadsan ee ku jira xeryaha.”
Maamulidda xerooyinka lacag badan ayaa lagu helaa
Warbixinta oo loogu magac-daray La-haystayaasha Waardiyayaasha Albaabka, waxay si gaar ah diiradda u saareysaa xadgudubyada ka dhanka ah dadka ku barakacay xerooyinka Muqdisho tan iyo 2011.
Maamulidda xerooyinka waxay noqotay mid lagu helo lacag badan, ayay tiri hay’adda, iyadoo xustay in maamulayaasha xerooyinka aaney barakacayaasha u oggoleyn inay ka guuraan xerooyinka.
Warbixinta waxay soo bandhigtay xigashooyin tiiraanyo leh oo ay bixiyeen haween sheegay in la kufsaday. Quman waa haweeney 23 jir ah oo sheegtay in, iyadoo leh uur sagaal bilood ah, ay kufsadeen saddex nin oo hubeysan oo ku lebisnaa dareeska ciidanka dowladda.
Haweeney kale oo magaceeda lagu soo koobay Safiya ayaa iyadana sheegtay in la kufsaday kaddibna laga dhaawacay lugta.
Hay’adda Human Rights Watch waxay kaloo sheegtay in la heyb sooco qaar ka mid ah dadka ee ka soo jeeda qabiillo gaar ah.
Warbixintu waxay sheegtay in badanaa la garaaco ama la xiro haweenka ku dhiirrada inay ka dacwoodaan xadgudubyada loo geysto.