Wariye Maxamed Maxamuud Tuur-yare oo u geeryoodey dhawicii loo geystey todobadkii hore

0
185

Suxufi Maxamed Maxamuud Tuur-yare oo kooxo hubeysani ay toddobaadkii hore ku dhaawaceen degmada Wadajir ee Muqdisho ayaa xalay dhaawacii soo gaaray awgiis ugu geeriyooday isbitaalka Madiina, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay lagu daweynayay.

Marxuum Tuuryare ayaa wuxuu ka mid ahaa wariyeyaasha ka howgeli jiray idaacadda Shabelle oo ka mid ah idaacadaha ka jira Muqdisho, wuxuuna noqonayaa wariyihii saddaxaad oo idaacaddan laga dilo inta lagu jirto sannadkan.

Maxamuud Tuuryare oo ah aabbaha dhalay wariyaha geeriyooday ayaa sheegay in wiilkiisa dhowr jeer oo loo hanjabay, kooxaha u hanjabayna ay u sheegeen inay dili doonaan haddii uu shaqada iska dhaafo iyo haddii kale.

Tirada Suxufiyiinta lagu diley somaliya ayaa waxaa ey noqoneysaa 17 ka dhigayaa tirada, iyadoo tani ay sii kordhanayso cabsida ay qabaan suxufiyiinta ka howgalaya Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Daafeet.Com