Qaar ka mid ah ciidanka boliska somaliyeed oo tababar looga furey dugsiga tababarka booliska ee General Kaahiye

0
72

Qaar ka tirsan ciidanka boliska somaliyeed ayaa tababar uga furmay dugsiga tababarka booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ey tiraduudu gaareyso ilaa iyo afartan sarkaal.

Tababarkan ayaa ah mid lagu baranaayo baarista dambiyada ayaa waxaa bixinaya macallimiin ka kala socda saraakiisha booliska Soomaaliyeed iyo kuwo ka tirsan AMISOM.

Hoggaanka baarista dambiyada booliska Soomaaliyeed General Cabdullaahi Xasan Bariise oo ka hadlay furitaanka tababarka ayaa ku dhiirrageliyay saraakiisha ka qeybgaleysa in ay ka faa’ideystaan tababarkan.

Gen. Bariise ayaa goobta ka sheegay muhiimadda ay leedahay baarista dambiyada, iyadoo aan la ogeyn inta maalmood uu socon doono tababarkaas.

Seminarka ayaa qeyb ka ah tababarro xiriir ah oo dalka gudihiisa ay ku qaadanayeen muddooyinkii ugu dambeeyay saraakiisha booliska Soomaaliyeed.

Daafeet.Com