Gudoomiyaha barlamanka federaliga somaliya oo ka hadley qorshaha waxqabadka barlamanka 4 sano ee soo socota

0
40

Guddoomiyaha baarlamaanka Federalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in howlaha ugu badan ee baarlamaanku uu qaban doono afarta sano ee soo socota ay noqonayso la xisaabtanka xukuumadda.

Prof. Jawaari wuxuu sheegay in sidoo kale uu baarlamaanku ka tashan doono waxa la gudboon marka uu xilkoodu dhammaado, isagoo sheegay in qorshayaashan oo dhan ay ku xusan yihiin qorshe howleedka baarlamaanka uu dagsaday afarta sano ee uu shaqeynayo.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in baarlamaanku uu yahay mid ku hadlaya afka shacabka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku kalsoondaan baarlamaanka, maadaama uu iyaga matalo.

Waxaa kaloo uu sheegey Prof. Jawaari in sidoo kale uu baarlmaanku dib u eegis ku sameyn doono dastuurka dalka oo horay loo ansixiyay, isagoo xusay in wax ka bedel lagu sameyn doono dhammaan qodobbada uu muranka ka taagan yahay.

Daafeet.Com