Alshabab oo digniin u dirtey dowlada kenya

0
29

Warbaxin Twiterka ay soo dhigeen Al-Shabaab kana soo baxday xafiiska Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Kenya ay ka shalaay doonto dagaalada iyo qabqabshada ku haysa rag ka tirsan Al-Shabaab oo Kenya ay tilmaameen in ay gacanta ku dhigeen oo ay ka mid tahay haweenay Hogaamiye sare ah oo ilaa iminka la ogeyn waxa ay Al-shabaab u qaabilsaneyd.

Dowlada wadanka Kenya mardhow ayey ka shalaay doontaa waxa faraha ay kula jiraan oo ah dhibaateynta islaamiyiinta insha Allah,sida ku qorneyd warbaxinta barta Twiterka Al-Shabaab ay soo dhigeen.

Ciidamada Kenya ee howlgalka qeybta ka ah ayaa dhawaan dhalinyaro aad u fara badan oo ay ku jirto haweeney sare oo ka tirsan Al-Shabaab gacanta ku dhigeen,kadib howlgal ay ka sameyeen Xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose,sida uu saxaafada u sheegay afhayeenka ciidamada Kenya ee Soomaaliya Cyrus Oguna.

Al-Shabaab ayaa ugu danbeyntii Kenya kaga digtay in faraha kala baxdo arimaha Soomaaliya iyo dhibaatooyinka joogtada ay ah oo ey ku hayaan dhalinyarada xariirka la leh Al-Shabaab.

Daafeet.Com.