Maddaxweynaha mamul goboleedka Puntland oo sheegey in alshabab ey kusoo qulquleyso deegaanada Puntland

0
25

Madaxweynaha maamulka goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo shalay ka hor hadlayey Barlamaanka maamulkaasi kadib kulan ay yeesheen ayaa waxaa uu ka hadley shabaabka kusoo qul qulaya deegaanada Puntland.

C/raxmaan Sheekh Maxamed faroole waxaa uu sheegay in dagaalyahanada Shabaab tan iyo markii looga awood roonaadey magaalada Muqdisho ay bilaaben iney usoo dhuuntaan dhanka deegaanada Maamulka Puntland oo hada uu sheegay iney soo gaareen deegaano dhowr ah taas oo cabsi ku abuurtey Faroole.

faroole waxaa uu sheegay in dagaalyahano shabaab ah oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib ay buux dhaafiyeen Deegaanka Buuraleyda Galgala halkaasi oo uu tilmaamay in kooxda Shabaab ee Soomaaliya hoy ka dhigteen.

Waxaa uu ka codsadey ciidamada maamulka Puntland iney il gooni ah ay ku eegaan amaanka deegaanada Puntland oo uu sheegay faroole in shabaab hada meel kasta ay ka joogaan,isagoona carabka ku dhiftey iney deegaanada ay hada ku sugan yihiin Shabaab sida Galgala oo kale iney dagaal kula galayaan.

Daafeet.Com