Shakhsi waxaa u liita midkii gacantiisa ku keensada mindidii lagu bireyn lahaa

0
104

Waa dhab oo Soomaalidu been waa sheegtaa balse been kuma maahmaahdo mana ku halqabsato hadaba halqabsigan aan cinwaanka uga dhigay qoraalkaygan ayaa waxa uu imaanayaa xili maamulka ka arimiya gobolka Baay uu hambalyo iyo boogaadin u diray Ra’isulwasaaraha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo lawada ogyahay kaalintii uu ku lahaa gumaadkii loo gaystay shacabka gobolada KoonfurGalbeed gaar ahaan gobolka mas’uuliyiintiisa hanbalyeeyay ee Baay.

Waa yaab iyo amakaag oo waa ooyoo ha aamusin ciil aduun sidii geedkii ooyay oo kale ee yiri”Masaar geed ma gooyso ee geedkalaa gooya”in maanta loo hambalyeeyo kuwii shalay aqoonteeyay da’yarteenii oo weliba waalid la’aan dhigay,Haweenkii rag tiray,Jiilkii cusbaa raja beel ku riday,Waayeelkeenii sharaf tiray,Gumaad asal sifayn ah ummaddeena duldhigay waa doqon nimo dad daayoo aan daayeer laga sugayn.

Gudoomiye ma waadan ogayn dagaalkan 43 sano jirsaday ee lagu baabi’iyay Ummaddaadii,Luqadaadii,lagu ceebeeyay Dhaqankaagii,lagu goobo-goobaystay Dhulkaagii laguguna adoonsaday dhexdiisa,Qixin,Dil iyo Kufsina meher lagaaga dhigay ilaa caasimada aad maanta ka hanbalyaysay ee Baydhabo Janaay magac maamuuseed looga dhigo magaaladii Dhimashada.

Ma xisaabtantay oo ma baratay cadowgaaga waxaanoo rafaad ah ma ogtahay waxa ay bi’isay ummaddaada oo loogu gaystay mise sidii calooshii la ciyaar tuugsi mehrad ka dhigtay oo kalaad calaf dhowr tahay?

Mariixaan shalay waxa uu nagu dhigay(Dagaalkii Sokeeye) ka daran tii doraad(Xiligii Siyaad Bare talada hayay) waxa uu maanta soo wadana ka wada xun(xiligan uu Ra’isulwasaare kuu yahay Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”)hadaanu Baarlamaanka Ummadda garab istaagin oo aanu diidin ee garasho yare xageed ka gali duulaankan loo soo bir tumanaayo in lagu cirib tiro hanbadaadii ALLAH kasoo reebay isir sifaynta

Mas’uul haduu cid matalo waxaa haboon in uu kala garto qofka ku haboon in loo diro habalyada, hambalyada aad dirteyna waa wax la sugaayey laakiin in mindidii laguugu birayn lahaa aad keensato ma ahay waxaan fili karay.

Madeey