Magacaabista Ra'isulwasaare Shirdoon ma waanay ahayn Bilowga burburka

0
266

Talaabadan uu qaaday madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee uu ku magacaabay Ra’isulwasaare Cabdiqaadir Faarax Shirdoon ayaa waxa ay fajac iyo la yaab ku noqotay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo iyagu filayay in hogaankooda cusubi uu ka turjumi doono rabitaankooda ku wajahan mas’uul leh Karti,Aqoon iyo Hufnaan inuu u soo magacaabo madaxweynuhu Ra’isulwasaare.

Kulamo aan loo kala kicin oo ka kala dhacay magaalooyin kala gedesin oo uu booqday madaxweynaha iyo weliba caasimada Muqdisho ayaa intaba madaxweynaha looga dalbaday in aanu samayn wax aan ka ahayn rabitaanka shacabka kaasi oo uu dhowr goobood uu ku balan qaaday inuu samayn doono ha yeeshee taa bedelkeeda madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu ku dhacay dabin aan horay uga dignay oo ay dhigayeen dhagar qabayaal qiiq isku qarinta ku caan baxay.

Rajada Dowlada.

Dowlada Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya waxay haysatay fursad aad loogu baahnaa inay shacabka Soomaaliyeed looga faa’iideeyo taasi oo weliba lahayd taageero dhan walba leh si gaar ahna gudaha dalka kadib kolkii guud ahaan maamulkii ku meelgaarka ahaa ee Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed guntiga dhiisha isaga dhigay misna ka dhabeeyay wacadkiisii iyo balamadii uu galay taasina u dheerayd in doorasho xalaal ah gudaha dalka lagu qabto taasi oo ay Soomaalida oo idil u hamuun qabtay iyadoo hadana shaqsiyaadkii kusoo baxay doorashooyinkaasi ay noqdeen rag ka mid ah haldoorkii Soomaaliyeed oo Aqoon,Karti iyo Hufnaanba RABI siiyay waxa kale ee xigay ee ay Shacabku danaynayeena ay ahayd inay helaan Ra’isulwasaare la jaanqaadi kara hogaanka shacabku doortay ee qabtay xafiisyada Afhayeenka BJFS iyo kan madaxweynaha balse magacaabista maanta dhacday ayaa waxay noqonaysaa mid derbiga ka tuurtay rajadii shacabku qabeen ee ahayd inay u dhalatay dowlad cusub oo aan kumeel gaar ahayn iyo hogaankeeda oo ah kuwo leh Khibrad iyo Waaya aragnimo ay ku wajihi karaan marxaladan cusub ee dalka iyo dadkuba galeen.

Shaqsiyada Ra’isulwasaaraha

Inkasta oo uu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu u soo xushay Cabdiqaadir Faarax Shirdoon inuu noqdo Ra’isulwasaaraha dalka ayaa hadana waxaa aad u muuqata in Cabdiqaadir Faarax Shirdoon aanu ahayn shaqsigii laga sugayay madaxweyndaha kolka laga eego dalabka shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan shaqsi leh Wadaniyad,Aqoon,Karti iyo Hufnaan.

Sida ku cad taariikh nololeedka Cabdiqaadir Faarax waa nin ka mid ah kuwii dalka boobay oo weliba si gaar ah wasaaradii maaliyada mashruucii tirakoobka canshuuraha beriga oo loo soo gaabin jiray MTCB dhacay ka dibna xoolihii uu dhacay ganacsi ku bilaabay halka bilowgii burburkana xoolo ku bixiyay hurinta dagaalka sokeeye iyo dhibaataynta shacabka Koonfur Galbeed oo uu ka mid ahaa ragii dhaqaalaha siin jiray jabhad beeleedkii SNF ee gumaadka u gaysatay in ka badan 800.000 oo ka mid ah dadkii degenaa Bay,Bakool iyo Gedo kolkii uu ku hanti beelayna u leexday dhanka NGO-yada kaasi oo ilaa iyo maanta uu ku guda jiro sidoo kale ayaa waxa uu haatan faraha kula jiraa maamul dhoodhoob ah oo lagu afduubayo dadka degan gobolada Jubada hoose iyo Jubbada Dhexe oo ay dabada ka riixayso dowlada Kenya hadaba Madaxweyne Xasan Shiikh ma waanu ku balan furin shacabka jawaabta adaa kuu daynay akhristow.

Miisaanka iyo qaybsiga awooda dalka

Waa marag madoonto in dadka Soomaaliyeed guud ahaan ay u baahan yihiin masuuliyiin ku yimaado xisaabtan dhab ah ka dibna buuxiya sharuudaha loo baahan yahay shoorna laga galo inta aan lagu dhawaaqin si loo badbaadiyo rajada ay ummaddu qabto.

Hadaba waa iga su’aale waa maxay miisaanka Shaqsigan iyo beeshiisa ay ku soo kordhin karaan maamulkan cusub dhib iyo dheef,dadka u dhuun daloola arimaha siyaasad beeleedka Soomaalida ayaa waxaa iyagu ay horay usii saadaaliyeen in khalad siyaasadeed uu noqon doono hadii madaxweyne Xasan Shiikh uu Ra’isulwasaare u magacaabo shaqsi kasoo jeeda beesha Mariixaan sababahan dartood

1-Colaada loo hayo beesha guud ahaan gaar ahaan beelaha Raxanweyn,Dirta Waqooyi iyo beelaha Puntland.

2-Mudnaan beelaha dhexdooda oo Daarood ahaan ay jiraan beelo kaga haboon oo ka mudnaa in loo dhiibo xilkan culus.

3-Beesha oo aan lahayn wax degaan ah kolka laga reebo degmooyin muran ka taagan yahay oo ay beelo kale ku haystaan oo ku kala yaalo gobolada Gedo iyo Galgaduud.

Hadaba hadii xaalka beesha uu sidan yahay ma waanu khalad ku dhicin madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waa dhab oo waa marag madoonto in rajadii la qabay maanta ay u ekaatay sida “Dhedo roob noqon weyday”waxaana hubaal ah in Jamhuuriyada FS ay wajihi doonto xaalado aad u adag oo kaga yimaada beelahan sedexda ah ee aan soo sheegnay si ay uga gudubtaana ay noqon doonto in ayadoo ayan waxba qaban ay irida kasii baxdo oo waqtigeedu dhamaado.

Talo soo jeedin

Kol hadii uu madaxweyne Xasan Shiikh uu ku dhacay dabinkii ay dhigeen kooxdan qiiq isku qariska iyo qori ismariska nolol mooday ayaa waxaa iga tala ah in Baarlamaanka Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya iyo Gudoonkiisa ay qaataan kaalintooda misna badbaadiyaan Ummaddooda,Dalkooda iyo Dowladooda kuna soo celiyaan(Diidaan) Madaxweynaha Ra’isulwasaarahan wax uu bi’iyo mooyee aan laga sugayn wax uu badbaadiyo.

Abdiaziz Sh Salah

Daafeet.Com