Maddaxweynoow Farmaajo iyo kooxdiisa yey ku dagin

0
96

Waa markale,maalin cusub iyo qaab hor leh oo koox gaabis ah ee uu hurmuudka u yahay Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ay ku dooneen inay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud isku dayaan inay ku qasbaan inuu u magacaabo Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo xilka Ra’isulwasaaraha JFS iyadoo kooxdani ay u marayso saxaafad beeleed wax magarato ah misna danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed kala weyn dantooda gaarka ah.

Hadaba kooxdan u midowday majarahaabinta hogaanka xalaasha ah ee ay ummadda Soomaaliyeed dooratay oo uu madaxweyne Xasan Sheekh u horeeyo ayaa ALLAH mahadiis fashil ku dhamaaday ka dib kolkii beentoodii ku dhisnayd borobogaando laga fidiyo idaacado madaxmaran iyo xabado kor loo tuur-tuuro laguna sheego dabaal deg taageero ah.

Waa yaabe farmaajo ma waanu ahayn kan loo haysto xatooyada xoolaha ummadda xiligii yaraa ee uu Ra’isulwasaaraha ahaa Akhristow ila xasuuso warbixintii July 15, 2012 Kooxda Baarista (Monitoring Group) oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaartay baarista qaabka loo maamulay dhaqaalaha soo gala dowladda FKMG ah ee Soomaaliya oo wareysi la yeelaatay ra’iisul wasaare Cabdiweli Gaas ayaa u sheegay guddiga baarista in lacag dhan $3.5 milyan ay ku maqan tahay xukuumaddii Farmaajo, lacagtaa oo qayb ka ah $10 milyan oo doollar oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday Soomaaliya.

ma waanu ahayn kii soo gelidiisii muqdisho Ogoosto 09, 2012 taageerayaashiisa hunguriga gees maray ay nafta dhaafiyeen dhalin yaro reer Muqdisho ah ugu danbayna Baarlamaanka JFS u sheegay inayan kalsooni u hayn kadib kolkii waalida hunguriga ku qaaday ee ah inuu isu soo sharaxo madaxweyne kadibna helay 14 cod oo kaliya taasi oo la mid ah tirada beeshiisa ay ku leedahay saamiga golaha BJF Soomaaliya.

Mudane madaxweyne codka Shacabkaaga wakaaladiisa waa golaha BJF Soomaaliya,Baarlamaankuna waa kii doortay hogaan waji cusub oo karti iyo Aqoon leh sidoo kale iyagoo ka turjumaayo doonista Shacabka Soomaaliyeed ee soo wakiishay doonistooda ku aadan inuu isbedel dhab ah ka hana qaado dalka isla markaana eegaya nidaamka la qaatayna waa tii ay ku doorteen Adiguna waxay kaaga fadhiyaan in xilkan Ra’isulwasaare ee ay kuu idmadeen aad ugu fuliso sida ugu dhow ee doonistoodu ay ku jirto oo ah shaqsi meteli kara xiliga isla markaana la jaan qaadi kara hogaankan cusub ee aqoonta iyo waxqabadkaba looga fadhiyo.

 

Daafeet.Com