Saxaafad Beeleedka Muqdisho haloo sheego magaca Dowladeena cusub waa Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed.

0
86

Waa dhab inay jirto baahi weyn oo loo qabo inay Saxaafad Beeleedka Muqdisho qaybaheeda kala gedisan garato(Isbarto) amaba la garan siiyo(La baro) micnaha magac iyo maamuus uu leeyahay eray bixinta nidaamkan cusub ee inoo dhashay iyo magaca dowladeena cusub ay leedahay oo ah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Waa caada raagtay iyo caburin dhab ah oo ay Saxaafad Beeleedka Muqdisho u adeegsato Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee ka hana qaaday Muqdisho xilligii burburka(Dagaalka sokeeye) iyo xisaab darida(La’aanta) si ay u gaaraan dano maldahan oo u jeedkeedu yahay jahwareerin si gaar ah loo jahwareerinayo ra’yul caamka Soomaaliyeed iyo doonista inta badan shacabka Soomaaliyeed si ay u gaaraan dano raqiis ah oo malaha maalmo kusii noolow ah.

Talaabadan ay qaadeen Saxaafad Beeleedka Muqdisho ee ah diidmada nidaamka Federaalka ah inuu qoro Qalinkooda amaba soo maro Afkooda iyadoo ay ogaalna u qabaan in nidaamkan ay ummaddu qaadatay uu yahay Federaal ayaanu ahayn mid ku cusub saaxada saxaafada Soomaaliyeed balse tani waa mid aad uga gedisan kuwii hore ee soo maray maamuladii Federaalka kumeel gaarka ahaa ee Soomaaliya sababo badan oo jira dartood waxaana si toos ah u soo qaadan karnaa.

1-Aqoonta iyo Kartida hogaanka cusub

2-Nidaamka iyo Saraynta sharciga

3-Aqoonsiga dowladnimo ee loo hayo Dowladan

Sedexdan qodob ee aan kor kusoo xusnay ayaa waxay daaha fur u noqon doonaan masiirka ummadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Saxaafad Beeleedka Muqdisho ee gaabiska ah oo iyaga weli mooda inay ummaddu ku jirto mugdigii ay badeen xilligii burburka(Dagaalka sokeeye) iyo xisaab darida(La’aanta).

Saxaafada iyo Suxufiga reer Muqdisho oo afkooda la marin waayay nidaamka ummaddu qaadatay ee Fedraalka ah ayaa weli maanta oo loo dhaqaaqay dhinaca Aqoonta la jaanqaadi la’ nidaamka noo dhashay ee Federaalka ah bal ila eeg akhristaha sharaf iyo qiimahaba mudanoow nidaamkan Federaalka ma ahan in ay maanta qaadatay Ummadda Soomaaliyeed balse waxaa yaab iyo amakaag ila ah kol hadii ay 12 sanno ay afkooda iyo qalinkooda ku burburin waayeen doonista shacabka ma waan maanta la gaarin xiligii ay qanci lahaayeen oo qaneecad taam ah intay ka qaataan dhahaan amaba ay qoraan Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed oo ah magaca dowladeena cusub.

Abdiaziz Shsalah

Wadajirradio@Gmmail.com